Daacishta Soomaaliya oo laba u kala jabtay iyo dagaal culus oo ka dhex qarxay

Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo deegaanada buuraleyda ee Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu halkaas dagaal culus ku dhex maray Kooxda Daacish ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya kadib markii ay u laba qeyb u kala jabeen.

Khilaafka soo kala dhex galay Kooxda gacan saarka la leh kooxda la magacdey Dowladda Islaamka ee ka howlgasha wadamo ay kamid yihiin Suuriya iyo Ciraaq ayaa salka ku hayo cidda hoggaanka u qabaneyso maadaama uu xanuunsanayo hoggaamiyahooda Cabdulqaadir Muumin kaasoo kasoo goostay Kooxda Al-Shabaab.

Hoggaamiyaha Daacish horayna uga mid ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska ayaa lasoo sheegayaa inuu la xanuunsanayo cudurka Sakorta oo muddooyinkii u dambeeyey ka dhigay mid kusoo aruuray sariirta.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, dagaalka oo ka dhacay Buuraha Calmiskaad ayaa waxaa ku dhintay illaa 3 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha dagaalamay ee Daacish dhexdooda ah sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya weli kama aysan hadlin dagaalka iyo khilaafka ka dhex qarxay, waxayna arrintaan kusoo aadeyso muddo yar kadib markii ay kooxda ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Daacish ayaa weeraro badan iyo dilal ka geysatay gudaha Soomaaliya, waxayna inta badan dagaalyahaneeda ku sugan yihiin deegaanada Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa buuraleyda ah.