Daahir Geelle oo aragti aan la fileyn ka muujiyey kuraasta Gobolka Banaadir la siiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si ka duwan sida ay uga fal-celiyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda Muqdisho, waxa uu uga hadlay xeerka metelaadda gobolka Banaadir oo Sabtidii lasoo dhaafay ay ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Daahir Geelle oo u waramay Idaacadda VOA sheegay in dowladda federaalka aysan wadadii ku habooneyd u marin sidii ay Muqdisho ku heli laheyd metelaadeeda, oo uu sheegay in aysan hadda waafaqsaneyn dastuurka dalka.

Daahir ayaa sidoo kale sheegay in Muqdisho ay xaq u leedahay inay hesho metelaad, balse loo baahnaa in lagu raadiyo si wada ogol ah oo beelaha Soomaaliyeed ay raali ka wadayihiin.

“Si Soomaalidu isugu soo dhawaato, waxaa habooneed in dowladdu ay dhamaan dhinacyada kala fariisato arintan, iyadoo baarlamaankuna ay uga dambeyn doonaan, maadaama ay waqti badan heysato waxaa aad u habooneed inay kala tashato dhamaan dadka Soomaaliyeed, waliba aniga waxay ila tahay tirada la siiyey ka badan ayuu gobolka Banaadir mudanyahay,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Isaga oo sii hadlayey ayii yiri, “Xeerka la ansixiyey ee metelada Muqdisho waxaa ka dhimaneed in dastuurka la waafajiyo oo bulshada Soomaaliyeed ay isla qaadato, marka dowladnimada hala waafajiyo metelaada Muqdisho.”

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladdu ay u muuqatay mid ansixinta xeerkaas ku hoos qarineysay barnaamijyo kale, sida warbixintii guddiga doorashooyinka iyo waxyaabo kale.

“Dowladdu waxay u muuqatay mid arintaas dhex galineysay warbixintii doorashooyinka iyo waxyaabo la halmaala, marka Muqdisho metelaad intaas ka badan wey mudantahay, laakiin hanaanka dastuurka in la waafajiyey u baahantahay, dadka Soomaalida ee wax kalehna waa in laga soo qanciyo, oo aan loo muujin wax lasoo dhacsaday inay tahay, Soomaali is qancis ayaa wax lagu soo wadi jiray ee soo dhacsasho wax laguma soo wadi jirin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Daahir Geelle.

Muran adag ayaa ka dhashay ansixinta xeerka metelaada Muqdisho, waxaana bilaabay murankaas oo si cad uga soo hor jeestay metelaada ay Muqdisho ka heshay golaha Aqalka Sare, dowlad goboleedka Puntland, waxaana jira warar sheegaya in Jubbaland ay la qabto, in kastoo weli war cad aysan ka soo saarin mowqifka ay ka taagantahay.

Xeerkan metelaadda Muqdisho ayaa ogolaanaya in gobolka Banaadir uu markii ugu horeysay 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana bilaawgii todobaadkan xeerkaas ansixiyey xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Hasa yeeshee waxaa kasoo hor jeestay dhamaan siyaasiyiinta reer Puntland, balse waxaa soo dhaweeyay inta badan siyaasiyiinta iyo dadka reer Muqdisho, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Hoos ka dhageyso wareysiga Daahir Geelle