Daawo: 16 qodob oo ay qasab tahay Inaad ka baratid madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha dalka Turkey Rajep Dayib Erdogan waxaa uu kamid yahay madaxda caalamka ugu magaca iyo awooda badan.

Erdogan oo mudo dheer ka talinayay Turkey ayaa saameyntiisa siyaasadeed waxaa ay gaarsiisan tahay in lagu sharfo sharciyada dhalashada ee qaar kamid ah wadamada caalamka.

Hadaba, Waxaan maanta halkan kuso gudbineynaa 16 qodob oo aadan ka aqoon madaxweynaha Turkey Erdogan oo ah saaxiibka iyo caawiyaha koobaad ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

1-  Magaciisa oo dhan waa Recep Tayyip Erdoğan , Waxaa uu ku dhashay magaaladda Istambul 26-kii February 1954, Erdogan .

2- Waa Hogaamiye Dhanka diinta aad ujecel waxaana ilaa yaraantiisii uu kamid ahaa kooxo dhanka diinta faafiya ilaa haatan oo uu madaxweyne yahayna aad ayuu ugu ad adag yahay.

3- Waxaa uu xaasle yahay mudo ku dhow  40. Xaaska Erdogan waxaa la dhahaa Emine Erdogan, waxaana guurkoodu dhacay July 4, 1978. Waxaana ay isku hayaan xaaskiisa labo gabdhood iyo labo wiil.

4- Waxaa uu ahaa ciyaaryahan kubada cagta ku wanaagsan kahor inta uusan siyaasadda soo gelin, waxaa lagu yaqaanay inuu kubada si qurux badan u xirfadeeyo

  1. Waxaa uu soo noqday Duqa magaaladda Istanbul (1994-1998), waxaana uu ku guuleystay shaqadaas.

6- Waxaa uu waqti ku qaatay Xabsi: Erdogan ayaa xabsi u jiray mudo afar bilood ah kadib markii xisbigiisii la mamnuucay, waxaana sababaha ugu weyn ee loo xabsiyeeyay kamid ahaa inuu lagu colaadinayay diintiisa oo uu u adkaa marar badana jeedin jiray hadalo xikmadeysan oo diinta islamaana ah

7-  Waxaa uu ka tagay xubinimadiisii xisbiga  Erbakan party  isagoo ku biiray xisbiga cadaalada iyo hormarka sanadkii 2011-kii waana xisbi islaami ah oo lagu magacaabo loo yaqaan AKP.

8- Waxaa loo doortay Ra’isul Wasaaraha  Turkey labo mar sanadihii (2003-2014).

9- Waxaa loo doortay madaxweynaha Turkey, Erdogan ayaa xilkaas loo doortay August 10, 2014.  Waxaana ay aheyd doorashadii ugu horeysay ee toos ah oo Turkey ka dhacda.

10- Waxaa uu aad uneceb yahay  Baraha Bulshadda, Waxaana mar uu saxaafada la hadlay ku sheegay in baraha bulshada ay yihiin marin habaabintii ugu xumeyd ee dadka.

11- Waxaa uu isku dayay in bishii March 2014-kii uu mamnuuco Aalada Twitter-ka, mudo labo todobaad ah ayaana Turkey laga isticmaalin

12- Waxaa uu aamisan yahay in dumarka aysan marnaba ku leebal aheyn raga, waxaana bayaan kasoo baxay xafiiskiisa 2014, uu ku sheegay in Dumarka aysan la mid aheyn raga, waxaa uu tilmaamay in raga shaqada loogu talagalay dumarkana ay qasab ku tahay iney xaafadahooda joogaan oo ay caruurta ilaaliyaan, sidaas oo ay tahay Turkey wali waa wadan Dumarku sida raga ushaqeeyaan.

13- Madaxweynaha Turkey ayaa ka bad baaday Isku day lagu doonayay in lagu dilo laguna afgambiyo dowladiisa sanadkii 2016-kii laakiin shacabkiisa oo jecel ayaa bad baadiyay.

14- Erdogan ayaa ah hogaamiyaha kaliya ee indhaha caalamka tusay Soomaaliya kadib markii uu noqday hogaamiyihii ugu sareeyay ee soo booqda Muqdisho, waxaana uu furay mashruuca walaaleynta Soomaaliya iyo Turkey.

15 -Ilaa Haatan Turkey ayaa garab taagan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waana sababta manta loo helayo kumanaan qof oo Soomaali ah kuwaas oo yaqaan ama ku hadlaya luuqada Turkey

16 Ugu dambeyn, madaxweynaha Turkey Erdogan ayaa lagu sharfay sharciyadda dhalashada ilaa sedex wadan oo kala ahSouth Korea,  Iran iyo Kosovo.

Waxaa jira Arimo kale oo ay adag tahay inaan ogaano oo ugaar ah shaqsiyadda madaxweynaha Turkey.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKAN & AWOODA Erdogan ee Turkey iyo Caalamka

 

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com