Sawirro: Taliyihii booliska Minneapolis oo iscasishay kadib dilkii uu geystay Maxamed Nuur

Minneapolis (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska magaalada Minneapolis Janee Harteau ayaa schier jaraa’id ay qabatay ku shaacisay inay iska casishay xilkii ay ka booliska, kadib dilkii habeen dhexdaas la sheegay inuu u geystay haweeney u dhalatay dalka Australia, taasoo booliska u wacatay iyada xili ay baqdin ku jirty.

XIlka ay ka degtay taliyaha booliska haweeneyda lagu magacaabo Janee Harteau ayaa ka danbeeyay cadaadis ugu yimid duqa magaalada Minneapolis isagoo ku eedeeyay inay lumisay kalsoonidii shacabka magaalada oo aaneyn hoggaamin karin booliska sidaasi darteedna wanaagsan inay xilka ka degto.

Arrintaan ayaa la xiriirta dilkii uu sida gamka ah u geystay Maxamed Nuur oo ah Soomaali ka tirsan booliska Minneapolis.

Dilka haweenaydan ayaa xiisad badan ka dhex-abuurtay booliska Minneapolis iyo bulshada magaalada, waxaana dhacay bannaanbax looga soo horjeeday booliska.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com