Daawo: Aadan Madoobe oo soo jeediyay in DF ay qaado dilinta cagaaran ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee dalka, gaar ahaan amniga caasimada Muqdisho oo uu sheegay in weli ay sareyso khatarta ka taagan, xilli uu socdo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre usoo jeediyay in wasaaradaha laga saaro “dilinta cagaaran” ee ay ku jiraan, islamarkaana xarumahooda gudaha magaalada loo soo saaro.

“Dilinta cagaaran in aad qaadan ayaa la idinka rabaa wasiirada oo la dago magaalada, Deyniile iyo Warshadaha in aad degtaan ayaa ka idinka baahan yahay. Shacabka magaalada diyaar ayuu idin yahay,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay horseedayso in si wada-jir ah looga shaqeeyo amniga caasimada, isaga oo tusaale usoo qaatay isbeddalka ka hirgelay dalka Ciraaq oo uu dhawaan ku tegay socdaal.

“Nimankaas dadka waa laga garanaya shacabka ma qarinayaan ee caasimadda amaankeeda aan meel saarno, taas ayaa ku darsanaya amniga dalka,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo hadal ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran.

“Aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo waxaa aadnay Ciraaq – Baghdad. Waa ogtihiin marxalado badan ayay soo mareen. Dilin cagaaran ayay sameeyeen oo magaalada qeyb yar kaga koobnaayeen laakiin hadda waa ka gudbeen dilintii cagaaran, kadib markii ay usoo dhexgaleen bulshada.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay hayso dhabihii dalka looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, oo khatar amni ku ah Soomaaliya.

“Runtii sida uga jawaabteen waa idinka mahad-celinaya, waa la dadaalay dhanka amniga oo ciidamada qalabka sida iyo madaxdeenaba waa dadaaleen oo argagixisada waa lala dagaalay.”

Hoos ka daawo