Sawirro: DF oo Talyaaniga kala wareegtay gawaari qufulan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegtay gawaari nooca qufulan ah oo xabaddu karin, kuwaasi oo ay ugu deeqday dowladda Talyaaniga.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda Talyaaniga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gaadiidkan la wareegay Wasiiru-dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Gaadiidkan ayaa waxaa loogu tala-galay ciidamada Booliska Daraawiishta Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka socda dalka.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda gadiidka ay dowladda kula wareegayso ayaa sheegay inay wax badan ka tari doonaan dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Talyaanigu waxa uu qeyb weyn ka yahay dhismaha ciidanka Daraawiishta oo waxay gawaaridan wax badan ka tarayaan howl-galada socda, sidii goobo fog fog oo ciidanka ka howl-galaan oo aan ugu gaari laheyn, si kalsooni leh oo ciidanku wataan gaadiid ay xabadu karin, ayna wax badan ka badalaan howl-galka ciidanka ku jiraan,” ayuu yiri.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Maxamed Cali Xaggaa ayaa dhankiisa u mahad-celiyay dowladda Talyaaniga, isaga oo xusay inn ay taageero hagar la’aan ah la garab taagan yihiin ciidanka booliska.

“Waxaa ka mahad-celinayna baabuurta xabaddu karin, waxaa codsaneyna in ciidanka Daraawiishta ah ee Jabuuti noogu tababartaan lambarkooda noo kordhisaan, sababta oo ah waxaan u baahanahay ciidan fara badan oo ciidamadii meeshii ay xoreeyaan kala wareega oo suga amnigooda deegaanadaasi,” ayuu yiri.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo ujeediyay madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howl-galada ka dhanka kooxaha argagixisada.

Talyaaniga ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan siiya dhanka tababarada ciidamada, ayada oo dhawaan taliska Booliska uu Jabuuti u diray ku dhawaad 100 askari oo usoo tababarayo Talyaanigu.