DF oo shaacisay degaanada Al-Shabab looga qabsaday wajiga koowaad ee dagaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab looga xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah deegaano horleh, kuwaasi oo ay kooxda ka talinaysay sanado badan.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo saxiibada caalamka ayaa waxay halgan xooggan kadib ay gacanta ku dhigeen in kabadan 70-gobood, sida lagu shaaciyay bandhigga Waxqabadka xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Dagaal ayaad ku jirtaan, waa in aan la joojin annagana kan xukuumad ahaan garabkiina ayaanu nahay, wuuna soconayaa dalkana waan ka xoreyneyna kooxaha Khawaarijta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Deegaanada lagu xoreeyay wajiga koowaad ee dagaalka socda ayaa waxay isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegàanno kale oo istaratiij ah.

Waxaa la isku furay waddooyinka u dhaxeeyo Beledweyne iyo Matabaan, Buulabarde iyo Maxaas, ayada oo dowladda sheegtay in laga hortagay dhaq-dhaqaaqa kooxda iyo gurmadka oo laga jaray goobihii muhiimka u ahaa ee ay isaga kala gooshi jireen sida Buundada Xawaadley.

Sidoo kale deegaanada Masagawaa, Moqokori, Galcad Qayib, Masaajid Cali-gaduud iyo Janaay Cabdalle oo marina muhiim ah ayaa gacanta lagu dhigay intii uu socday wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa sheegtay in ay diyaarisay ciidan badan oo tayo leh oo lagu soo carbiyay dalka iyo dibadd, iyada oo ka duleeysa baaxada dhulka u baahan in la xoreeyo ee weli ku jira gacanta kooxda.

“Waxaa la dar-dargaliyay qorista iyo isku dhafka ciidan cusub iyada oo loo maray habraaca khurista ciidamada xoogga dalka, islamarkaana laga soo kala qoray guud ahaan gobolada dalka si ay qeyb uga noqdaan howl-galka socda ee Khawaarijta looga saarayo dalka.”

Xukuumadda ayaa sidoo kale shaacisay in wejigii koowaad ee howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab lagu dilay illaa 3,000 oo ka tirsanaa kooxda, laguna dhaawacay 3,700 oo kale.

“Khasaarihii loo geystay cadowga inta lagu guda jiray howlgallada guuleystay waxaa ay kala yihiin waxaa ka geeriyooday 3,000 oo maleeshiyo ah, dhaawacyada gaarana waa 3,700 oo qaarkood dhibaatada gaartay la daala dhacaya” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).