Daawo: Abuu Cubeyda oo mar Shabaab-ka ku amray in ay ka soo baxaan Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanad ka hor, hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, ayaa Shabaab-ka jooga Mudug iyo Galgaduud (Galmudug) ku amray inay isaga soo baxaan dagaalka oo u soo gudbaan koonfurta dalka, isagoo go’aankiisa ku saleynaya inay jabeen.

Xogtaan waxaa bixiyey nin kasoo goostay Al-Shabaab oo mar ahaan jiray guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, intii aan loo magacaabin Kabo-Kutukade, oo haatan guddoomiyaha gobolkaas ugu magacaaban kooxda.

Sheekh Cali Wajiis, oo u warramay SNTV, ayaa sheegay in dagaalkii Cowsweyne ka hor, hoggaamiyaha Al-Shabaab, Abuu Cubeyda, uu amar ku bixiyey in Galgaduud laga baxo, maadaama Al-Shabaab xiligaas ka quustay inay hor istaagaan ciidamada dowladda.

“Markii uu bixiyey amarkaas, horjoogayaashii Al-Shabaab ee Galgaduud waxay amreen in hal dagaal la galo, haddii lagu jabana la isaga soo baxo Galgaduud oo Jubooyinka la isugu tago. Balse, halkii dagaal wuxuu noqday weerarkii Cowsweyne, halkaas oo ciidanka dowladda ay ku jabeen,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sheekha oo soo xiganayey nin ka soo goostay Al-Shabaab, oo xabsiga uu ku soo wareystay Wasiir Mukhtaar Roobow, oo ay is yaqaaneen, ayaa yiri: “Annagoo jabnay oo go’aansanay in Galmudug aan isaga baxno, ayaad dagaalka ka soo baanateen. Dowladdu, haddii Cowsweyne kadib ay hal weerar nagu soo qaadi lahayd, waan jabnay oo waan iska carari lahayn,” ayuu laga soo xigtay ninkii kasoo goostay kooxda, oo haatan ku jira xarunta dhaqan-celinta ee dowladda Soomaaliya ay u diyaarisay.

Sheekh Cali Wajiis ayaa ku taliyey in Al-Shabaab dagaal looga furo dhowr jiho, si looga adkaado, isagoo dowladda ugu baaqay inay la timaado qorshe dagaal oo looga faa’iideysan karo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka, oo sida uu sheegay meel kasta dhooban.

“Qalad badan ayaa ka jira farsamada dagaalka. Waxaa yar aqoonta ay dowladdu u leedahay cadowgeeda. Ciidanku waxay iskugu imaan karaan hal goob oo lagu balamay, haddii shan jiho weerar looga soo qaado kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Hoos ka daawo