Qorshaha cusub ee Shabaab iyo madaxoodii deegaanka Mubaarak oo isku dhiibay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa waayadan dambe joojiyey inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda, waxaana loo sababeynayaa hal arrin oo ku soo korortay dagaalka, taas oo ah isbeddelka ku yimid istiraatiijiyadda dagaalka ee Al-Shabaab.

Inkastoo maanta uu ciidamada dowladda isku soo dhiibay madaxii Al-Shabaab ee deegaanka Mubaarak, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, haddana dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay, kooxdaan waxay joojisay inay isku soo dhiibaan dowladda.

Yacquub Macallin Axmed, oo toddobo sano ka hor Khawaarijta uga biiray deegaanka Janaale, ayaa galabta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Yacquub ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak, oo hoos taga degmada Awdheegle.

Wuxuu sheegay in Khawaarijta uu soo wajahay culays ay u dulqaadan waayeen, oo uga imaanaya duullaanka iyo go’doominta ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, taasoo ku kaliftay in maanta uu isku soo dhiibo ciidamada qaranka ee ku sugan degmada Awdheegle.

Wixii ka horreeyey bishaan Ramadaan, maalin kasta waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya isku soo dhiibi jiray xubno Shabaab ah, iyagoo inta badan iska dhiibi jiray labo aag oo kala ah: deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan aagga Baydhabo, iyo deegaanada dhaca xuduudda gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Quburrada ka faallooda dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxay sheegeen in xubnihii isku soo dhiibi jiray dowladda ee Shabaab ka soo goosan jiray ay fursad waayeen, laga soo bilaabo dhammaadkii bishii Shacbaan, xilligaas oo Al-Shabaab ay dardar geliyeen istiraatiijiyadooda dagaalka.

Dhallinyaradii kasoo goosan jirtay kooxda ayaa toos loo geliyey dagaalka, waxayna weerarro is-daba joog ah ku soo qaadeen gobolka Shabeellaha Dhexe. Qorshahaan ayaa dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Al-Shabaab u diiday fursad ay isku dhiibaan.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay dagaalyahannadoodii kasoo rareen Koonfur Galbeed, isla markaana ay cududdooda milateri isugu keeneen gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hamiga ku jira kooxdaan argagixisada ah waa inay Muqdisho qabsadaan. Markii laga soo tago Shabeellaha Dhexe oo dagaal toos ah uu ka socdo, haddana hareeraha kale ayey Muqdisho ka soo kulaashay kooxda Al-Shabaab. Balse, waxaa la sheegay in aysan awoodin, ciidanna u heysan inay Muqdisho soo weeraraan.