Daawo: Beesha uu kasoo jeedo Koofi oo war culus soo saartay, baaq u dirtay beel kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha uu kasoo jeedo Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegtay in dano siyaasadeed laga leeyahay dacwadda musuq-maasuq ee lagu soo oogay agaasimihii hore ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda dalka.

Koofi ayaa ka mid ah illaa 18 mas’uul oo xeer-ilaaliyaha qaranka Suleymaan Maxamed uu dacwad ka dhan ah u gudbiyey Maxkamadda gobolk Banaadir, ayada oo loo haysto eedo ay ka mid yihiin musuq-maasuq iyo xatooyo dadweyne.

Beesha uu kasoo jeedo Koofi, oo kulan ku qabatay magaalada Guriceel, ayaa sheegtay in qorshahan uu yahay mid ay ka dambeeyaan dad ay isku hayaan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, oo ay sheegeen in Koofi uu doonayo inuu isku sharxo. 

Beesha Maxamuud Aybakar ee Ceyr ayaa sheegtay in dadka ay is-hayaan Koofi ay kasoo wada jeedaan beesha Ceyr, balse ma aysan magacaabin shaqsiyaadka ay is-hayaan.

“Waxaa nasiib darro ah in dadka Koofi ku dulminaya shaarka dowladeed ay yihiin dad aan nahay dhaqan wadaag, dhiig wadaag iyo dhalyo wadaag, oo cid qabataa aysan jirin ilaa hadda ama u caqli calisaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay shirka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan leenahay, maanta waxay maraysaa meeshii aad ka tiri ‘Farxaanow dhiiqaa laguha laguu geliyoohaayaa’, annaguna waxana leenahay, madaxweyne, dadku waxbay gartaan ee yaan dhiiqo lugaha laguu gelin.”

Odayaasha ka hadlay shirka ayaa ugu baaqay beesha Ayaanle Ceyr inay is ceshtaan oo ay is-qabtaan, islamarkaana ilaaliyaan walaalnimada.

Baaqa loo diray beesha Ayaanle Ceyr ayaa laga fahmin karaa in qofka aysan odayaasha magacaabin balse ay is-hayaan Koofi loola jeedo agaasimaha hay’adda NISA Mahad Salaad, oo kasoo jeeda beesha Ayaanle, islamarkaana la rumeysan yahay in loo wado xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Warka kasoo baxay beesha Koofi ayaa imanaya ayada oo shalay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay si rasmi ah ugu yeertay 7 masuul oo Koofi uu ka mid yahay. Koofi ayaa dalka ka maqan.

Baafin rasmi ah oo kasoo baxday maxkamadda gobolka ayaa waxaa kasoo dhex muuqday agaasimihii waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Saabey, agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo agaasimihii dhawaan is-casilay ee hay’adda socdaalka Cabdul, iyo xubno kale.