Daawo: Booliska oo shaaca ka qaaday lacagta ku jirtay akoonada Atooraha Badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa soo bandhigay tirada lacagta ku jirtay Akoonada Sarkaalkii ka tirsanaa ee Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido”.

Afhayeenka ayaa sheegay in labo Akoon oo ay baaris ku sameeyen ay ku ogaadeen in midkood ay ku jirto lacag dhan 50kun oo dollar (50,000), halka mid kale ay ku jirtay lacag gaareyso 3,300 dollar.

Akoonka koowaad oo ah midka ay ku jirto lacagta 50kun dollar ayaa waxaa furay ninka dilka geystay oo uu hore Afhayeenka Booliska u sheegay in uu Atooraha Badda isku qabsadeen lacagtaas, taasi oo markii dambe sababtay in uu murankaas ku baxo Atooraha, oo ahaa saaxiibkii.

Ninkaan oo lagu magacaabo Shuceyb Leeleefow ayaa waxa uu hadda ku jira gacanta Booliska.

“Waxaa weli aan la baarin akoonada eDahab-ta iyo shirkada Taaj, inta uu Booliska Soomaaliyeed gacanta ku hayo telefoonada lacag ayaa kusoo dhaceysa, 150 dollar shalay ayay soo dhacday,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaa u xaqiijinaya bulshada Soomaaliyeed inay ku kalsoonadaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aqoontana waa leenahay. Haddii aan dhaqaale ahaan ka liidano dalalka caalamka, aqoon ahaan waa la simanahay oo maalin baa gaadhi doona meel walba kaamirooyin ku xiran tahay oo wax walba la cadeyn doono.”

Sidoo kale wiil la dhashay Atooraha Badda AUN ayaa asaguna goobta ka cadeeyay inay ku qanceen, lana tusay akoonada lacagaha ay ku jiraan, maadama markii hore ay shaki badan ka qabeen in Atooraha Badda uu ku baxay muran lacageed.

“Xooga is-faham la’aan aniga iyo afhayeenka Booliska na dhex-martay ayaa kadib waxaa tagnay xarunta Booliska, waxay ituseen akoomada uu wiilka lahaa lacago ku jiray iyo lacago kale oo dad boosas ugu gadayo oo kamaamka oo dadka meesha ugu tala-galay inuu wax ka siiyo.”

Afhayeenka Booliska ayaa hore u shaaciyay maalmo ka hor in Atooraha Badda iyo Saaxiibkiis Leeleefow uu soo kala dhex-galay muran lacageed oo gaaraya 60kun, kaasi oo markii dambe uu ku baxay AUN Atooraha Badda Liido.

Allaha unaxariiste Marxuumka ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa darajadiisa Isbatoore, wuxuuna ku howlanaa inuu ciida ka farxiyo caruur agoon ah iyo kuwa aan waxba haysan oo uu ciidsiiyo.