Booliska oo shaaciyey xogta QARAXYADII maanta laga maqlay Muqdisho (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey qarax galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska Taleex ee degmada Hodan.

Taliye ku xigeenka qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Mahad-Alle oo warbaahinta kula hadlay goobtii ka dhacay qaraxaas ayaa sheegay inay fashiliyeen rag hubeysan oo watay Mooto Bajaaj.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ragga watay Mootada aan weli la ogaan tiradooda oo qaraxii ay wateen ay ku bas-beeleen, sidoo kale wuxuu sheegay in ayagu ay is qarxiyeen, markey ogaadeen in booliska aysan ka baxsa karin.

Sidoo kale taliyuhu wuxuu sheegay in ninkii waday Mootada oo kaliya uu ka badbaaday qaraxa, kaas oo hadda ay gacanta ku hayaan, isagoo dhaawac fudud ah, sida uu sheegay Taliye Cali Dhuux.

Ragga ku gubtay mootada qaraxday wuxuu sheegay taliyuhu inay wateen afar qori oo AK47 ah iyo bambaanooyin aad u badan, kuwaas oo qaar ay isku qarxiyeen, qaarna ay dib ka qarxiyeen.

“Bajaajta intii qof ee saarneed way gubteen, waxaan heynaa kaliya ninkii waday Mootada oo dhaawac fudud ah, intii kale wey gubteen oo waa is qarxiyeen, afar qori iyo waxyaabo kale oo aan qarxinay ayey wateen,” ayuu yiri Taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale sarkaalkaan wuxuu warbaahinta u sheegay in wax khasaare ah uusan gaarin dadkii shacabka ahaa ee goobta ka ag-dhowaa.

Hoos ka daawo