Garowe (Caasimada Online) – Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo maanta Hargeysa ka soo raacay maxaabiistii ka soo jeeday Puntland ee Somaliland siideysay ayaa saxaafadda la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, wuxuuna aad u dhaliilay beesha Hawiye.
Boqor Buurmadow ayaa si cad u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ay ku taageeri doonaan inuu noqdo Saciid Cabdulaahi Deni, isagoo sheegay in Daaroodku ay ka dowlad yaqaansan yihiin Hawiyaha.
“Dadkaan reer Puntland waan is garabsa jirnay, waana guuleysa jirnay, laakiin maanta taladii Soomaaliyeed waadayacan tahay, waxaana rajeynayaa in arrinta maanta bilaabatay ay bud-dhig u noqoto in siyaasadda aan wax ka wada qabsano oo aan ku dhisno, nin reer Puntland oo Soomaali lagu aamini karo,” ayuu yiri Buurmadow.
Buurmadow ayaa sheegay in Hawiyaha ay ku sirmeen, balse hadda kadib ay dhisa doonaan Daarood, weliba Saciid Deni ayuu sheegay in lagu aamini karo Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.
“Maqnaashaha Puntland ayey Soomaali u dayacan tahay maanta, xubnaha aan ku leenahay koonfur inay dhanka Daarood u soo beyraan, siyaasadda meel xun ayaan ka eegnay markii hore, waxaana Soomaali ku aaminay Hawiye aan waxba gelin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Sidoo kale, Buurmadow ayaa dowladda federaalka ku dhaliilay maxaabiistii ay ka soo daayeen xabsiga Laascaanood ee SSC-Khaatumo oo sida uu sheegay lagu qasbay inay ku lebistaan calamka buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
“Maanta waan jeclaan lahaa in sida aan Garoowe uga soo degay aan Laascaanood uga dego oo geeyo maxaabiis ay ku jiraan Korneyl Maxamed Jabriil iyo Xildhibaan Faarax, faan iyo sharaf ayey ii ahaan laheyd in maanta aan Laascaanood ka dego, waa ku fiicnaa laheyd, waana rajeynayaa in taasi dhacdo,” ayuu yiri Buurmadow.
Boqorka ayaa ka codsaday madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland in nabadda ay ka shaqeynayaan ay ku soo daraan Laascaanood, “waxaan u soo jeedinayaa garaadada Laascaanood in la is cafiyo oo nabad geliyo aan ku xalino wixii dhacay,” ayuu yiri Buurmadow.
Hoos ka daawo