Daawo: Cabdi Xaashi oo si cajiib ah uga hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii maanta ee labada Gole ayaa si cajiib ah ah uga hadlay heshiiska badda ee ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay inuu aad uga xumaaday markii uu maqlay heshiiskaasi, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay weligeed raadineysay badda Soomaaliyeed.

“Waxaan aad iyo aad uga xumahay inuu isoo gaaray war aan aad iyo aad uga naxay oo aad moodo dowladda Itoobiya sida aynu la socono waligeed iyo allaheydba raadineysay inay qayb Soomaaliya kamid ah hesho, gaar ahaan ” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Sare.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu mucjiso ku noqday heshiiskan, maadaama warsaxaafadeedka lagu yiri Itoobiya waxay yeelatay dekad, sida uu hadala u dhigay.

“Waxay igu noqotay markaan arkay heshiiska mucjiso iyo la yaab, halkaas waxaa ku qornayd Itoobiya waxay heshay deked ay yeelatay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waxaa kale oo uu leeyahay Red Sea waxaan ka helnay albaab oo horumarkeena kaalin wayn ka qaadanaayo waa wax laga yaqyiiqsado aadna looga naxo”

Gudddoomiyaha Aqalka Sare oo hadalkiisa sii wata ayaa isla xiriiriyay heshiiskan iyo wada-hadalladii ka dhacay Jabuuti, isaga oo farriin culus u diray madaxweyne Ismaaciil Geelle.

“Marka u horreysa madaxweynaha Jabuuti iyo shicibkiisa raalli ka ahaada dadaalkii aad sameyseen iyo halkaa waxa kasoo dhowaaqay ee aan la qaadan kareynin” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aan la iibsan karin badda Soomaaliyeed, ayna ka hortagi doonaan damaca Itoobiya ee ku aadan inay la wareegto qayb kamid ah badda.

“Badda Soomaaliya ma’aha neef xoola ah oo qof suuqa uu gaysan karo, badda Soomaaliya way ka culustay taas” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay guddoomiyaha Aqalka Sare.