Somaliland oo si yaab leh u difaacday heshiiska BADDA

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa difaacday heshiiska madaxweyne Muuse Biixi uu shalay Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Heshiiska is-fagarad ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo bad ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, oo sidoo kalena ah afhayeenka xukuumadda ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay gelista heshiisyo noocaan ah, ee faa’iidada ugu jirto, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu heshiiskaan ku tilmaamay guul taariikhi ah iyo in Somaliland ay markii u horreysay ay hesho aqoonsi caalami ah, kaasi oo ay raadineysay in ka badan 30 sano.

“Kiraynta albaab baddeed dhan 20 KM ah waa Taariikh weyn oo lagu Tallaabsaday, waxana ku jira in heshiiskaas lagu doorsado aqoonsi iyo koboc dhaqaale,” ayuu yiir Wasiir Cali Xasan Mareexaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa tallaabo wax ka beddelaysa taariikhda, waana heshiis geesinimo leh oo hore loo qaaday, waxayna albaabada u furaysaa mustaqbal ifaya oo ay gaadhaan Somaliland iyo Itoobiya.”

Somaliland ayaa heshiiska is-fagarad ee Itoobiya ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan, marka si rasmi ah loo saxiixo heshiiska, sida uu Muuse Biixi ku sheegay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Axmed.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta baarlamaanka uu ka hor jeediyo khudbad xasaasi ah, isagoo si cad ugu dhawaaqi doona mowqifka Soomaaliya ee ku aadan damaca Itoobiya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay farriimo u diray Xildhibaannada labada Aqal inay maanta isugu yimaadaan kulan degdeg ah oo uu khudbad ugu jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta isugu imaanaya shir deg-deg ah, kaas oo go’aan looga gaari doono tallaabada xasaasiga ah ee Itoobiya ay qaaday shalay.

Ilo ku dhow-dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegaya in go’aanka xukuumadda uu noqonayo mid gebi ahaan lagu qaadaco heshiiskaas iyo tallaabooyin kale oo saameynaya xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ayaa tobanaankii sano ee la soo dhaafay ahaa mid aad u xoogganaa, waxayna Itoobiya saaxiib dhow la aheyd xukuumaddihii dalka isaga kala dambeeyay tan iyo sanadkii 2004-tii.