Xamza oo farriin culus u diray shacabka, wacad-na ku maray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa wacad ku maray difaaca madax-banaanida Soomaaliya, xilli Itoobiya ay Somaliland la gaartay heshiis is-afgarad oo ay ku dooneyso dhul-badeed.

Xamza oo ka hadlay kulankii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada ayaa sheegay in marnaba dowladda federaalka ay ka laba-labeyn doonin difaaca dalka.

“Waxaa rabaa shacabka Soomaaliyeed u sheego inay is dajiyaan, waxaan u xaqiijinaya inay naga go’an tahay difaaca dalka. Taako kamid ah barigeenna, baddeenna iyo cirkeena laguma soo xad-gudbi karo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku difaacayaan weji kasta oo sharci ah, ayada oo dowladda kaashaneyso shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan awoodna oo hore usoo awoodnay in aan difaacno dalkeenna. Wax laga cabsado ma yaallo, waxaase rabna markaan in la midoobo oo waxkasta oo Soomaalida dhexdeeda ah laga tago oo aan difaacno dalkeenna, oo difaacno qarannimadeena iyo gobonimadeena.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed midnimo iyo inay u midoobaan difaaca dalkooda, “Dhamaanteen aan u istaagno in aan difaacno dalkeenna, xukuumaddana waxaa ka go’an inay arrintaas ku hoggaamiso umadda Soomaaliyeed.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka ku mashquulsan xilligaan waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda ah ee macnaha badan laheyn waxaan leenahay xilligaan waa markii la midoobi lahaa ee halka meel la istaagi lahaa, oo waa markii hal dhinac loo jeesan lahaa oo dalka la difaaci lahaa.”

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya, xilli dowladda federaalka ay meel adag iska taagtay heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, islamarkaana ay u yeertay safiirkeeda dalka Itoobiya, iyada oo waxba kama jiraan ku tilmaamtay heshiiskaasi.

Hoos ka daawo muuqaalka