Daawo: Cali Jayte oo lacag badan dul-dhigay madaxa Cali Dheere iyo xubno kale

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan oo galabta fagaare kula hadlay boqolaal ciidanka dib u xoreynta deegaanka ah ayaa balan qaaday lacago uu siinayo qofkii soo dila xubno Shabaab ah oo Cali Dheere uu ka xusay magaciisa.

Cali Jayte ayaa sheegay in qof kasta oo u keena madaxa xubin Shabaab ah uu siinayo shan kun oo dollar, qaar ayuu dul dhigay 10 kun, halka amiirrada ugu sareeya uu madaxooda ku dalbaday lacag dhan 25 kun oo dollar.

Guddoomiyaha oo si gaar ah u carabaabay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa yiri, “Cali Dheere iyo kuwa lamidka ah ee Amiirrada ay ku sheegeen ninkii soo dila waxaan siinayaa 25 kun oo dollar, ee yaa abaal na erga kara, aakhiradiisana u shaqeysa kara, jilaalkana ka soo bixi kara?”

Sidoo kale guddoomiye Cali Jayte ayaa ciidanka deegaanka ugu laab qaboojiyey in Shabaab sii dhamaanayo, isagoo ku dhiira geliyey in qof kasta uu soo dilo nin Shabaab ah.

“Idinkoo dhulkiina jooga oo saan u hubeysan, hadii qof kasta uu nin Shabaab ah dilo, waa dhamaanayaan, nin kasta hal qof oo Shabaab ah madaxiisa ayaan ka rabaa,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Shabaab maleeshiyaad ah qofkii madaxiisa ii keena 5 kun oo dollar ayaan siinayaa, kuwa amiirada ay u ekeysiinayaan waa 10 kun oo dollar, Cali Dheere iyo kuwa lamid ah ninkii soo dilana 25 kun ayaan siinayaa.”

Hoos ka daawo