Daawo: Ceelkii lagu riday maydadka Al-Shabaab-kii soo weeraray degmada BAXDO

Baxdo (Caasimada Online) – Macallin Daahir oo kamid ah dadka deegaanka ee reer Baxdo ayaa ka sheekeeyay qaabkii uu u dhacay weerarkii dhowaan kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday magaaladaas oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Macallinka oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa ka xog warramay qaabka maalintaas loo jebiyay kooxda, maadaama laga dilay ugu yaraan 100 ka tirsanaa maleeshiyaadkeeda.

Xubnaha soo weeraray deegaanka wuxuu tilmaamay inay isugu jireen Soomaali iyo Ajaaniib, balse loo dhgay cashir lama filaan ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay cagta mariyaan magaalada iyo masaajidkeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Khawaarijtii ugu culsaa ayay keeneen ajaaniib ayaa ku jirtay qolo walbaa ku jirtay waxay islahaayeen meeshaan maanta magac reeba, laakiin magac xun aa ka raacay” ayuu yiri.

Macallin Daahir aya asheegay in tiro beel uu noqday maydadka Al-Shabaabna, ayna ku xabaaleen ceel-biyood qalalay oo ku yaalla halkaasi.

“Maydka horteena yiilay tiro beel ayuu noqday inta kale iskaba daa, maydadkii wixii nafta ka baxday waa ka baxday waxa kalena annagaa dhammeystirnay bacdigeed baabuur ayaan kusoo qaadnay godkaan aad u jeedo oo caanka ah ayaan ku ridnay” ayuu yiri Macallinka.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inay dagaalka sii wadaan, illaa inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

“Inay noo yimaadaan iska daa waxaa noo bannaan inaan aadno aa xaq nagu ah, meel aan ka helnaba aan ku dilno” ayuu mar kale yiri Macallin Daahir oo kamid ah dadka deegaanka.

Baxdo ayaa kamid ah meelaha ay ku dhaqan yihiin Culima-u-diinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu xasuusto sidiii ay ula dagaalameen Shabaabkii gobollada dhexe.