Maxaadan ogeyn oo caawa madaxweyne Xasan Sheekh uu ka wadaa Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku marti-qaadan ‘Kulan Dadweyne’ oo ay qabaneyso Madasha Minbar Initiative oo shacabka Soomaaliyeed ay ku waydiinayaan su’aalo ku saabsan caqabadaha iyo hurumarka dowlad dhiska Soomaaliya.

Mawduucyada aasaasiga ah ee Madaxweynaha wax laga weydiin doono ayaa la xiriir talaabooyinka waaweyn ee Dowlad Federaalka Soomaaliya qaaday sanadkaan 2023-ka.

1 – Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha  xasilinta iyo xajinta.

2 – Cunuqabateynta hubka ee la qaaday waxa xiga, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida.

3 – Bixitaanka ATMIS iyo qorsha ciidanka xooga dalka kula wareegayaan goobaha ay kabaxaan.

4 – Amniga Caasimadda.

5 – Deynta Soomaaliya laga cafiyay.

6 – Ku biiritaanka Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo Siyaasadda arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu amaanaa ku dhiiranaantiisa hortagga bulshada, si wax looga weydiiyo qorsheyaasha dalka iyo sida ay u socdaan howlaha loo igmaday, arrintaan ayuu wax badan kaga duwan yahay madaxweynihii isaga ka horeeyey.