Daawo: Dabageed oo dagaal-yahannada beeshiisa ka codsaday inay badbaadiyaan…

Buuloburde (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle, Yuusuf Dabageed, oo galabta khudbad u jeediyey ciidamada Macawiisleyda beeshiisa Xawaadle, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo maalmahan rogaal-celis ku sameynayey weerarradooda.

Yuusuf Dabageed ayaa tusaaleeyey sida looga adkaan karo Al-Shabaab, isagoo dib u xusuusiyey dagaalyahanada beeshiisa geesinimadii ay ku xoreeyeen inta badan dhulkooda.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku baaqay in dagaalka la bilaabo oo si degdeg ah looga xoreeyo kooxda goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan, oo inta badan xor ka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, Dabageed ayaa cod dheer ku dalbaday in colaadaha sokeeye meesha laga saaro, isagoo beeshiisa kula dardaarmay in qof aan Shabaab ahayn aysan dilin, isla markaana ay deriskooda nabad geliyaan.

“Cadowgaan wuxuu walaaleeyey dadkeenii deriska ahaa ee difaaca isugu jiray. Waxaan hubaa in laga adkaan doono haddii dadkeenu is-kaashadaan. Walaalayaal, maanta kadib dhiig aan ahayn kan Shabaab idiin ma bannaana,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle ayaa beeshiisa Xawaadle ka codsaday inay ka qeyb qaataan xoreynta Ceelbaraf.

“Ciidanka dowladda ayaa kow ah, idinkana waa laba, weerara cadowga, iska ilaaliya khilaafka, iskana amar qaata walaalayaal, waad liibaanaysaan,” ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar.

Dabageed ayaa dowladda federaalka iyo saraakiisha ciidamada uga mahadceliyey sida ay ugu heellan yihiin difaaca HirShabeelle oo uu cadow argagixiso ah kusoo duulay.

“Dadkeygiiyow, waxaa maanta idiin hortaagan ninka labaad ee ugu sareeya ciidamada xoogga Soomaaliya. Idinkoo qoryihiina wata, wuxuu idiin aaminay oo idiin soo hor istaagay waa kalsooni uu idinku qabo. Isagoo Soomaali madax u ah, ayuu habeeno badan idin dhex joogay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Yuusuf Dabageed.