Daawo: Deni oo sheegay arrin uu rajeynayo kadib weerarkii Hotel Villa Rays

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii dhawaan ka dhacay Hotelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn tacsi u diray dadkii dhintay weerarkaas, isagoo sheegay in gumaadka ay Al-Shabaab ku hayaan dadkeenna aysan niyad jebin reer Muqdisho iyo guud ahaan Soomaalida.

“Soomaaliya 30 sano ayey dhibaatooyin kala duwan ku soo jirtay, waxaa ilaahey mahadiis ah dadka Soomalaiyeed kama niyad jebin hormarkooda iyo howlahooda,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in adkeysiga Soomaalida uu suurta geliyey in lasoo yagleelo dowladda federaalka, si dalka xaaladaan uu uga baxo.

“Waxaan rajeynayaa in xaalad kasta oo jirta aan wadajir uga baxno, anagoo adkeysi muujineyna,” ayuu Saciid Deni hadalkiisa sii raaciyey xilli maanta uu dib ugu soo laabtay Garoowe.

Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar ku maray dalal badan oo Afrika ka tirsan, qaraxa uu ka hadlay Saciid Deni ayaa ka dhacay gudaha xeen-daabka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu yaraan lix nin oo Shabaab ah ayaa la xaqiijiyey inay fuliyeen weerarkaas, kuwaas oo dilay ku dhawaad 10 qof, halka 60 kalena laga badbaadiyey.

Hoos ka daawo Deni