Dhageyso: Weriye xog cusub ka bixiyey xanuunka uu u geeriyooday Abwaan Geesi

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Abwaan Geesi oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo hal-abuure ahaa.

Geerida Abwaan Geesi ayaa aad u taabatay dhammaan Soomaalida, maadaama uu ahaa nin caan ah oo jila sheekooyinka qosolka iyo xigmada le.

Sidoo kale Abwaan Geesi wuxuu aad u isticmaali jira baraha bulshada.

Marxuumka ayaa mudooyinkaan ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, wuxuuna xanuunka hayey ka soo bilowday dhanka Kaliyaha, sida uu sheegay weriye Cabdullahi Axmed Cali oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Abwaanka.

Weriye Cabdullahi Axmed Cali oo laga wareysanayey TV-ga uu ka shaqeeyo ee Somali Cable ayaa xaqiijiyey in Abwaan Geesi uu gabi ahaantiis bararay, kadib markii uu ku siyaaday xanuunkii ka soo bilowday kaliyaha, kaas oo ugu dambeyn uu caawa u geeriyooday.

Hoos ka dhageyso wareysiga