Madaxweynihii hore ee dalka Shiinaha oo geeriyooday

Beijing (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee dalka Shiinaha Jiang Zemin, ayaa goordhaw geeriyooday isaga oo 96 sano jir ah kadib xanuun hayay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dalkaasj.

Jiang oo ahaa madaxweynaha Shiinaha 1993 ilaa 2003, wuxuu shiinaha ka dhigay  isbedelo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin dib u soo nooleynta iyo dib u habeynta suuqa, ka soo noqoshada Hong Kong ee gumeysigii Ingiriiska 1997 iyo soo galitaanka ururka Ganacsiga Adduunka (WTO) 2001.

“Geerida Jiang Zemin waxay khasaare aan la soo koobi karin ku tahay xisbigeena, ciidankeena iyo dadkeena dhamaan qowmiyadaha kala duwan,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday xisbiga hoggaamiyaha Shiinaha.

Madaxweynahaan ayaa lagu xasuusta in talada la wareegay xilli aad u adag oo ay dalka Shiinaha ka taagneyd banaan-baxyo waawayn iyo xasiloonni darro siyaasadeed.

Dhacdadani waxay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira.