Daawo: DF oo cadeymo yaab leh ka baahisay sidii weerarkii Hotel SYL loo abaabulay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay muuqaal laga diyaariyey weerarkii Hotel SYL ee kooxda Al-Shabaab ay fulisay, kaas oo ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, waxaana warbixintaan ka soo muuqanaya qaar ka mid ah raggii loo qabtay fududeynta weerarkaas.

Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkii SYL, kuwaas oo kala ah TOYOTA HAREIR iyo TOYOTA Barado, muuqaalkaan waxaa laga arkayaa labada gaari isgoyska Tarabuunka ilaa Sayidka oo lagu soo baaray ilaa ay ku qarxeen Hotel SYL.

Nooca qaraxyada ay isticmaaleen ee la arki waayey ayaa ahaa miinooyin dhejis ah, balse arrinta jawaabta loo waayey waa halka ay soo marsiiyeen qoryaha weerarka lagu geystay, waxaana la ogaaday in ragga afarta ah ee weerarka geystay ay gaariga ka raaceen banaanka hore ee Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Waxay ragga weerarka fuliyey raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hotelka, markii uu qarxay gaarigii hore, kadibna waxaa ciidankii soo gurmaday isku qarxiyey gaarigii siday dagaalameyaasha, halkaas waxaa ku geeriyootay 3 askari oo Haramcad ah, waxaana ku dhaawacmay askar u uku jiray Taliyaha guud ee Haramcad.

Intaas oo dhan muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa, labada qarax iyo daqiiqadaha ay dhacayaan waxay ku jiraan muuqaalkaan, sidoo kale waxaa ku jira codadka ninkii soo gudbiyey gaadiidka ee magaalada soo geliyey iyo rag kale laga dhacay gaadiidka qaraxyada lagu xiray ee weerarkaas lagu geystay.

Labada gaari midka Baradada ah waxaa laga dhacay ninkii lahaa, halka HAREIR-ta lagu soo xiray Taariko laga soo furay gaari Caasi ah oo Khawaarijta ay 3 sano ka horn in uga dhacday duleedka Afgooye.

Nin oday ah oo sharaxaya sida loo soo gudbiyey gaadiidka is qarxiyey ayaa ku jira muuqaalka, kaas oo u xiran hey’adaha ammaanka, gaar ahaan NISA oo la wareegtay galka barista kiiskaan, markii uu weerarku dhacay.

Askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah dadka u xiran weerarkii Hotel SYL, waxaana weli socda baaritaano xoog leh.

NISA ayaa dhawaan shaacisay in weerarkaas loo qabtay 16 qof oo ku eedeysan inay ku lugyeesheen, balse ragga muuqaalkaan ku jira waxaa qiraal ah hal nin oo oday ah oo aagga Walaweyn ku dhashay, walaalihiisna ay Shabaab yihiin.

Hoos ka daawo Muuqaalka