Daawo: DF oo hub ka dhigis ka sameynaysa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaacisay in hub ka dhigis ka sameyn doonto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, marka lag gaaro waqtigeeda.

Wasiiru-dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlay shir xasaasi ah oo Muqdisho ku yeesheen hay’addaha amaanka ayaa waxa uu ka sheegay in hub ka dhigista XAMAR ay ka horeyso dhaqan-gelinta amarkii dhawaan kasoo baxay madaxweynaha, kaasi oo caasimadda looga mamnuucay in lagu dhex wato hubka culus.

“Waxaa ugu baaqaya madaxda kala duwan oo ay kamid yihiin saaxiibadeyda golaha wasiirada iyo xildhibaanada, inay u hogaansamaan sharcigan lagu xakameynayo hubka,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

“Lama gaadhin hub ka dhigis, waa la gaari doona hub ka dhigis laakiin wejiyo badan ayuu yeelan doona, laakiin wejiga koowaad ee aan mareyno waa in caasimaddeena si qoryaha waaweyn ee argagaxa leh ee cadowga lagula dagaalamo ee aysan muuqan cid lagu dilayo magaalada dhexdeeda, si ay magaaladu u muuqato magaaladu mid nabadeed ay guryahooda dhigtaan.”

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta oo rabta inay hub haysato inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda amniga, si ay sifo sharci ah ugu haystaan hubka fudud ee loo ogol yahay.

“Waxaa aad ugu mahad-celinaya mar labaad iyo mar saddexaad ciidanka dhalinyarada ee runtii iyaga oo tababar kasoo baxay oo aan degin howl deg deg markiiba loo geliyay, oo illaa hadda mirihii howsha lagu diirsaday oo shacabka Soomaaliyeed markhaati ka yihiin.”

Wasiiru-dowlaha ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ka dalbaday inay garab istaagan ciidanka oo ay la fududeeyan howl-gallada amni ee ay ka wadaan caasimadda dalka.

“Waxaa halkaa ka bilaabmeysa hadalkii madaxweynaha uu sheegay ee Soomaali Heshiis ah, macnaheedu waxa weeyi in shacabka iyo dowladda heshiiyaan. Waxaa ku celinayna baaqii madaxweynaha ee ahaa in Garanwaaga la iska qabto,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.

Hoos ka daawo muuqaalka