Daawo: DF oo ka jawaabtay hadal-haynta mashruuc yaab leh oo ay geysay GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa jawaab ka bixisay hadal-heynta ka dhalatay jawaano ay dhawaan gaysay gobolka Gedo, kuwaas oo qaarkood la geeyay degmada Doolow, si looga hortago fatahaad mar kale ku dhufato halkaasi.

Arrinta hadal-heynta dhalisay ayaa ah in jawaano kooban la geeya Doolow, gaar ahaan afaafka hore ee wabiga Jubba, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Maxamuud Macallin oo ah guddoomiyaha ha’yadan ayaa jawaab ka bixiyay arrintaasi, wuxuuna sheegay inuu arkay sawirrada laga soo qaaday goobta ee hadal-heynta dhaliyay, wuxuuna sheegay in shaqadu billow ay ahayd, laakin ay dad leh dano gaar ah faafiyeen wararkaasi.

Guddoomiyaha ayaa xusay in shaqadu ay tahay mid ballaaran, ayna ku dadaalayaan in laga hortago xaalad fatahaad ah oo mar kale ka dhacda gobolka Ged.

“Jawaannada waxaa lasoo sawiray xilli ay billow yihiin, shaqadana weli ay socotaa jawaanno kaliya ma’ahan arrinta carro tuur ayaa socdo katarabeelo iyo baldoosaro ayaa ku jiro oo ciida ku xaarayo oo meesha buuxinayo” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud Macallin.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa shaqada socota garan kara dadka deegaanka oo meesha joogo, runtii meeshaas waxa ay ahayd meel dhib wayn ku hayso”.

Dhinaca kale guddoomiyaha SoDMA oo hadalkiisa sii wata ayaa beeniyay warar kale oo ku aadan in la leexdo gaadiidka raashinka sida ee ay hay’addu u dirto gobollada dalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay gurmadkaasu la gaarsiiyo deegaanada iyo dadka loogu talagalay.

“Baabuurta iyo raashinka la diraayo si siman ayay u tegaan gobollada, ugama harno inaan dirno gaadiidka, waxaan saarnaa dad, maamulladana waa nala shaqeeyaan” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray in aysan hay’addu mar kasta ka jawaabi karin wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, kuwaas oo tilmaamay in laga leeyahay dano kale, laguna suurad xumeynayo magaca Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

“In ay tegaan iska daayi xitaa waxaa hubinaa in dadka loogu talagalay la gaarsiiyay gurmadkaasi, marka annaga qof meel fadhiyo wax uu iska soo qoray kama jawaai karno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Maxamuud Macallin oo wareysi siiyay Universal TV.