Daawo: DF Soomaaliya oo mamnuucday baahinta wararka AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo ku dhowaaqay go’aanno culus.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay xoojisay dagaalka adag ee ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay haatan kusoo kordhisay in lagala dagaalamo dhinaca dhaqaalaha iyo sidoo kale dhanka baraha bulshada ee Internet-ka.

“Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay soo kordhisay in Al-Shabaab lagala dagaalamo laba farumood oo lagu soo kordhiyey dagaalka oo ah in laga joojiyo dhaqaalaha baadda ah ee dadka Soomaaliyeed intay ka gurtaan, isla iyaga dib ugu gumaadayaan iyo sidoo kale in la joojiyo faafinta firkirka Al-Shabaab” ayuu yiri Al-Cadaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa ku dhowaaqay in maanta laga bilaabo dowladda dhexe ay warbaahinta & baraha bulshada ka mamnuucday faafinta fariimaha & wararka Shabaab.

“Joojinta fikirka Qawaarijta in la faafiyo iyo farriimahooda argax-gelinta ah, sidaas daraadeed dowladda Soomaaliyeed, iyada oo xiganeyso qodobada kala duwan ee dastuurka jamhuuriyadda, sharciga isgaarsiinta qaranka iyo sharciga warbaahinta qaranka waxa ay mamnuucday oo gebi ahaanba ay joojisay nooc kasta oo faafin fikirka argagixisada iyo falalka cabsi-gelinta ah,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in fal dambiyeed ay u aqoonsan doonaan cid kasta oo jebisa amarka maanta ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in wabaahinta iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed u sheegno in arrintaas loo aqoonsanayo in ay tahay fal dambiyeed nooc kasta oo la xiriira falalka argagixisada iyo fikirkooda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaal.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladdu ay ku guuleystay inay hawada ka saarto ku dhowaad 40 fadhi oo baraha bulshada, sida Facebook iyo Twitter ay ku laheyd kooxda Al-Shabab, sidoo kalena ay ku howlan yihiin boggag kale oo u shaqeeya kooxdaasi.