Madaxweyne Biden oo qaatay siyaasad cusub oo si weyn u saameyneysa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dajiyey qorshe cusub oo wax looga beddelay siyaasadda duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah.

Biden ayaa amar ku siiyay saraakiisha ciidamada in aysan qaadi karin weerar xagga cirka ah oo aan lasoo ogeysiin Aqalka Cad marka laga reebo arrimo qaar sida marka ay halis galaan ciidamada Mareykanka ah ciidamada xulafada la ah ee la shaqeeya sida, uu faafiyay wargeyska New York Times.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa taliyeyaasha ciidamada militariga awood u siiyey inay ayaga go’aan ka gaaraan cidda lala beegsanayo duqeymaha iyo goorta la fulinayo.

Hase yeeshee, Biden ayaa hadda qaatay go’aan ah inaan la fulin karin weerar aan ansixin looga haysan Aqalka Cad, taasi oo macnaheedu yahay in qof kasta oo duqeyn lala beegsanayo lala soo socodsiiyo Aqalka Cad. 

Qorshahaan cusub oo uu dajiyey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa yimid kadib eedeymo badan oo ka yimid duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay dowladda Mareykanka ka fuliso waddamada Soomaaliya, Yemen, Ciraaq, Afghanistan, Suuriya iyo Yemen .

Sida lagu shaaciyey warbixino ay qoreen CNN iyo New York Times, Madaxweyne Joe Biden waxa uu soo gabagabeeyay qorshahaan Jimcihii 7-dii October 2022, wuxuuna sheegay sarkaal diiday in magaciisa la isticmaalo in qorshahaan uu sare u qaadi karo howlgallada ay dowladda Mareykanka ka fuliso waddamada kale iyadoo laga fogaanayo waxyeellada shacabka.

Go’aanka Biden ayaa yareyn kara khasaaraha shacabka, balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in sidoo kale uu yareyn karo beegsiga argagixisada, maadaama waqti badan ay qaadaneyso ansixinta weerarada, taasina ay keeni karto inay baxsadaan saraakiil fursad lagu helay. 

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International iyo Human Right Watch ayaa horay uga dalbaday Mareykanka in uu bixiyo magta dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeymaha ay fuliyeen Diyaaradaha duulliye la’aanta (Drones-ka).

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay eedeymaha loosoo jeediyey ee ku aadan inay waxyeelo kasoo gaarto duqeymaha ay ka fuliso wadamada ay ku sugan yihiin kooxaha loogu yeero “argagixisada” ee Al-Qaacidda iyo Daacish, waxayna sheegtay inay magdhaw ka bixin doonto dadkii shacabka ahaa ee dhibaatada kasoo gaartay duqeymaha.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ay Mareykanka ka fuliso duqeymaha dhanka cirka ah, waxaana dhowr jeer soo baxay warar sheegaya inay ku dhinteen dad shacab ah inkastoo aysan jirin illaa hadda magdhaw ay ka bixisay falkaas.

Tan iyo billaawgii sanadii 2021-kii markii uu Biden talada qabtay ayay diyaaradaha Mareykanka duqeymo dad shacab ah lagu laayay ka geysteen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana udambeeyay duqeymo bishii September ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Sh/hoose.