Daawo: Dhabancad oo shaaciyey qorshihii Farmaajo iyo Rooble ee meteladii Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad oo ahaa guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha ayaa bixiyey wareysi uu uga hadlay arrimo dhowr ah.

Cabdisalaan Dhabancad oo xilkaan ku muteystay inuu yahay shakhsiga ugu da’da weyn xildhibaanada golaha shacabka ayaa shaaciyey caqabado badan oo loo dhigay intii ay socotay doorashadu iyo cidda u dhigeysay.

Ugu horeyn Dhabancad oo waayo joog ah, wax badana ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinka Soomaaliya aysan weligood ka bixin gacan bidixeyn, isagoo tusaale u soo qaatay dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo la tuhmayo in doorashadiisii uu salka ku hayo.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Farmaajo iyo Rooble ay ku garab istaageen in doorashada la dedejiyo, maadaama ay mudo soo jiitameysay.

“Ra’iisul wasaaruhu waa ka dhabeeyey dedejintii doorashada ee aan ku balanay, laakiin sida aan ka gartay Madaxweynuhu wuxuu ka biyo diiday arrinta Gedo, anigu maalintii la tegay Teendhada waxaan iri meteladii dadka reer Gedo hala keeno, sidoo kale Madaxweynaha waan u sheegay in Gedo la tegi waayey, isla markaana aan raadi doono hab kale oo dadka reer Gedo ay metelaad ku helayaan,” ayuu yiri Dhabancad.

Wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynuhu aysan go’aan ku laheyn arrinta kuraasta Gedo, balse Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha ay go’aansadeen in doorashadii kuraasta Gedo lagu qabto Ceelwaaq.

“Anagu arrintaas waxaan u arkeynay xal, sababtoo ah Beledweyne markii amnigu faraha ka baxay labadii kursi ee u dambeysay waatii la geeyey Jowhar,” ayuu yiri.

Sidoo kale Dhabancad ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u maareeyeen markii ay Muqdisho isugu yimaadeen xildhibaano ka kala yimid Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo Gedo wada metelaya.

“Markii aan eegnay cadeymaha qoladii Ceelwaaq waxay wadatay intii aan anigu kala imid Galmudug, laakiin qolada Garbahaarey waxay wateen wax ayaga ku kooban oo Jubbaland aysan shaqo ku laheyn, intaas kadib waxaan xalka u arkay in kuwa Caalwaaq ay yihiin xildhibaanada saxda ah,” ayuu yiri Dhabancad.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uusan raali ka aheyn inay howlgalaan xildhibaanadii ka yimid Ceelwaaq, laakiin waan u sheegay in Gedo aan la tegi karin oo diyaaradaha loogu hanjabay in lasoo ridayo, sidoo kalena Jubbaland oo talo ku leh doorashada xildhibaanada gobolkaas aysan Gedo tegi karin.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan ku iri xildhibaanada Ceelwaaq ayaa jid leh, ayaguna inay kuu yimaadaan waa rabaa, aniguna waxaan ku iri u taga madaxweynaha, maadaama ay xigtadiisa yihiina waxaan rabay in uu raali ka noqdo, qaarkood waa isku dayeen inay ka kulmaan, laakiin waba ma suurtaabin, guddoonkii la doortayna waan uga mahad celinayaa in wadadii aan wax ku soo maamulnay ay u arkeen mida saxda ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdisalaan Dhabancad.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey Shabelle TV