Sheekh Aadan Madoobe oo shaaca ka qaaday tallaabo uga qorsheysan xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si cad u sheegay in xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada golaha uu toos magaciisa ugu sheegi doono bulshada.

Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu sheegay inay dastuuri tahay arrintaan, isla markaana ka guddoon ahaan ay ka go’antahay in “Xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada baarlamaanka, magaciisa dad weynaha lala wadaagi doono.”

“Dastuurku waa cadeynayaa waajibaadka xildhibaanka iyo nidaamka loola dhaqmaayo hadii uu imaa waayo fadhiyada golaha, marka xildhibaanka hadii waajibaadkiisa uu guda waayo in la iclaamiyo, oo la yiraahdo xildhibaan hebel intaas oo fadhi ayuu ka maqnaaday, caab maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Waxaa jiray aragtiyo ka imaanayey bulshada oo dooneysa in guddoonku shaaciyo magacyada xildhibaanada aan fadhiyada imaan iyo sababaha ay ku maqan yihiin.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cadeeyey in arrintaas ay sameyn karaan oo qorshaaha ay ugu jirto in xildhibaankii maqnaada dadweynaha loo sheego magiciisa iyo hadii ay jirto sabab uu uga maqan yahay fadhiyada golaha.

“Xildhibaanka waxaa loo doortay inuu umadda metelo, waana ku cadahay dastuurka waxyaabaha sababi kara inuu lumiyo xubinimadiisa iyo sida loola macaamilayo hadii uu imaan waayo fadhiyada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo BBC-da weysigaan siiyey.

Dhowaan xildhibaanada golaha shacabka oo ku guda jira kulamada kalfadhigoodaan koowaad, ayaa kulan la hor geyn lahaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan wuxuu u baaqday kooram la’aan.

Arrintaasi waxay dhalisay dhaleeceyn golaha uga timid bulshada iyo canaan toos oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay xildhibaanada, kadib markii uu ku casuumay madaxtooyada xilli habeen ah.