Qodobada ugu muhiimsan heshiiska Soomaaliya iyo Imaaraadka oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo shan cisho ah ku maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, waxayna madaxtooyadu ka warbixisay safarkaas iyo xaalado caafimaad oo madaxweynaha soo wajahay.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay dhigiisa dalkaas Imaaraadka Carabta, sidoo kale wuxuu cadeeyey in maanta madaxweynaha laga helay COVID-19, xaaladiisuna ay fiican tahay.

“Qodobadii ugu muhiimsanaa hadaan dul maro waa 20 milyan oo Imaaraadku uu ugu deeqay abaaraha ka jira dakeenna, waxaa la fududeeyey Visaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku gelayaan dalka Imaaraadka, waxaa lagu heshiiyey in shirkadaha diyaaradaha ee Imaaraadka ay Soomaaliya ka howlgalaan oo adeegyada duulimaadyada ka bilaabaan,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumtay wafdi culus oo ka socda dowladda Imaaraadka oo Muqdisho imaa doona, isla markaana la sameeyey guddi isku dhaf ah oo ka shaqey doona arrimaha ay isku raaceen madaxweynayaasha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Afhayeen Cabdikariin ayaa sheegay in Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed, uu safaaradooda Muqdisho amray inay ka soo talo bixiso sida ugu wanaagsan ee loo fududeyn karo adeegyada ay uga baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Qofka Soomaaliga ah isagoo Muqdisho jooga ayuu safaaradda Imaaraadka ka heli doonaa Visaha, waxaa intaas dheer oo arrintaan ku saabsan, dadka Soomaaliyeed ee Imaaraadka degan, waxaa lagu heshiiyey in loo fududeeyo adeegyada oo loola dhaqmo si ka debacsan sidii hore,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hoos ka daawo