Daawo: Fannaanka Aar Maanta oo laga duubay video qarsoodi ah iyo yaab…

Nairobi (Caasimada Online) – Fannaanka Aar Maanta, ayaa waxaa magaalada Nairobi looga duubay video-gii ugu horreeyey ee kaftan ah (Prank video) isaga oo aan ka war-hayn, si aad ahna looga carreysiiyey.

Aar Maanta ayaa tagay guriga saaxiibkii Axmed Faarax oo ay ku ballaansanaayeen, hase yeeshee waxaa meel kasta loogu xiray camera, waxaana loogu diyaariyey fanaanka Xasan Cagaaran, oo uusan aqoon u lahayn.

Hase yeeshee wixii isaga iyo Xasan Cagaaran dhex maray iyo wixii kadib dhacay, waa wax inaad daawato kaliya aad uga bogan karto ee hoos ka daawo.