Video: Fanaanadda FARXIYA Kabayare oo go’aan lama filaan ah ku gaartay…

Minneapolis (Caasimada Online) – Fanaanada caanka ah ee Farxiyo Kabayare, ayaa ka dhawaajisay ineey go’aan ku gaartay, ineey mardhow ka faraxalato Fanka gabi ahaantiisaba.

Fanaanada Kabayare oo heesaheeda ay aad u jecelyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed Hablo iyo ragba, ayaa sheegtay ineey qorsheyneyso ineey mardhow isaga harto Fanka.

Fanaanada ayaa taageerayaasheeda, ugu baaqday ineey ku taageeraan go’aankeeda, sidii ay awalba ugu taageersanaayeen fanka.

Lama yaqaan waxyaabaha ku riixay fanaanada ineey isaga harto Fanka, laakiin waxaan goordhow idiin soo gudbin doonaa sababaha ku riixay ineey isaga harto.

Halkaan kadaawo Muuqaalka: