Daawo: Faroole oo si xun u bah-dilay Cabdi Weli Gaas

Garoowe (Caasimada Online) – Shir Jaraa’id oo uu shalay Garoowe ku qabtay ayuu Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shikeh Maxamed Maxamuud Faroole uga hadlay qodobo muhiim ah.

Waxyaabaha uu Faroole ka hadlay waxaa ka mid ahaa doorshada Puntland ka dhaceysa 8-da Janaayo 2019, oo ku beegan labada toddobaad ee soo socda, xulista xubnaha baarlamaanka iyo xallinta khilaafaadka.

Hase ahaatee, Faroole qeybaha dhexe ee shirkiisii jaraa’id waxa uu ku tuntay Cabdiweli Cali Gaas oo uu qiimeyn qodobeysan ku sameeyey waxyaabihii uu qabtay shanti sano ee uu talada Puntland hayey.

Faroole waxa uu warbaahinta u soo bandhigay lana wadaagay maashiircdii uu ku wareejiyey Gaas markii uu kaga adkaaday doorashadii 2014.

Mashaariicdaas oo dhammaatood heshiisyadooda la saxiixay waxaa ka mid ahaa madaarka Boosaaso, Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan.

Sida uu Faroole xaqiijiyey ma jirto mashruuc kale oo weyn oo uu Gaas intii uu talada hayey meelmariyey, waxaa intaa u dheer in uu ku eedeeyey inuu musuq maasuqay dhaqaalaha kuwii hore loo saxiixay sida garoonka diyaaradaha ee Garowe.

Muxuu Gaas qabtay oo uu Faroole u qiray?

Faroole oo qoslaya ayaa sheegay in uu Idaacadaha ka maqlo Gaas oo ku faanaya in uu hirgaliyey barnaamijka goleyaasha deegaanka (City councils) ee lagu dhisayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee loo yaqaan GPLG, hase ahaatee, Faroole waxa uu caddeeyey in iska daa Gaas uu mashruucaas jiray markii uu isagu Cadde Muuse (UAN) uu xilka kala wareegay.

Waxaa qosol badnaa markii uu Faroole sheegay in uu Gaas fuliyey ama qabtay oo loo qirsan yahay dhisidda Suuliyo/musquliyo tuulooyinka laga dhisay! Faroole oo dhoolla caddeeynaya ayaa sheegay in shaqadaas ay islaamaha xataa ku filan yihiin!

Hoos ka daawo Faroole

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com