Daawo: Fiqi oo faahfaahiyey qorshaha banaan-baxa ka dhanka ah afgamibigii 27-ka December iyo cida fasaxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay banaan-baxa 13-ka bishaan ka dhici doona Muqdisho, sida la qorsheeyey, wasiir Fiqi ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday xubnaha taageera Farmaajo.

Fiqi ayaa sheegay in banaan-baxaas oo dhacaya Khamiista soo socota ay ogolaansho uga heystaan wasaaradda amniga Soomaaliya, isagoo wax lala yeebo ku tilmaamay in xubno ka tirsan gobolka Banaadir ay ku goodiyeen inay ka hortegayaan isku soo baxaas.

“Farmaajo waxuu galabta ka hadashiiyey ninkii u qaabilsanaa caayda ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka amniga, waayahaan oo dhan afgembi ayaa laga hadlaayey, halkee lagu arkay nin maamulka gobolka Banaadir ka tirsan oo dhahaya ciidanka aniga ayaa amra? Malaha gobolka ayaa doonaya inuu ciidamada inqilaabo,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale Fiqi ayaa sheegay in kooxda Farmaajo ay ku xadgudbayaan dowladnimada Soomaaliya, “In dad Cali Yare oo kale ah ay dadka reer Muqdisho wax u meeriyaan ilhaano ayey ku tahay, waxa uu maanta ku hadlay dowladnimo sal kuma laha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Fiqi.

“Banaanbaxa aan dhigayno Khamiista, waxaa ogolaansho noo siisay Wasaaradda Amniga wuuna dhacayaa.”

Ugu dambeyntii Fiqi oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri, “Isku soo baxa, cabira shacuurtiina oo ku jebiya xeyndaabka cabsida iyo fowdada, kuna jebiya xeyndaabka Farmaajo iyo CBB-diisa, codkiina meesha uga saara ninkaas saacadihii ugu dambeeyey ee geeridiisa ku jira.”

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii