Daawo: FIQI oo weerar ku qaaday qorax joog, hal midna ku amaanay qurbo-joogta

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirka maalgashiga qurbe-joogta Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, gaar ahaan waaxda Jaaliyaddaha Qurbe-joogta.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay madax ka kala socotay Haya’addaha dowladda, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay madasha  ayaa sheegay in qurbe-joogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga dalka, koboca nolosha bulshada iyo difaaca dalkaba.

Sidoo kale wasiirka ayaa is barbar-dhig ku sameeyay qurbe-joogta iyo dadka gudaha ku sugan, gaar ahaan kaalintood ku aadan wax qabadka iyo dowladnimada.

“Qurba-joogta dad badan ayaa eedeeya oo yiraahdo anshax xumo ayay nagu soo kordhiyeen wiil jeego xiiran baa la keenay, gabar saas ahaa timid, laakiin qurba-joogta Soomaaliyeed waa kuwo laf dhabar u ah bulshada Soomaaliyeed” ayuu kusii daray.

Fiqi oo ka hadlayay dadka ku sugan gudaha dalka ayaa sheegay in qaarkood ay is qarxiyaan, ayna dilal ka gaystaan masaajida hortood, sida uu hadalka u dhigay.

“Dakla gudihiisa ayaa laga helayaa kuwii joogay ayaa maanta s qarxinaya oo ma aragtay masaajid hortiis wax ku dilaya, laakiin lama dhihi karo waxaa xun dadka dalka jooga oo dhan,” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xoogan, wuxuuna si wayn u qabsaday baraha bulshada Internet-ka oo siyaabo kala duwan loogu falanqeeyay hadalka wasiirka.