Daawo: Cabdi Weli Gaas oo sheegay arrin qosol leh oo ku saabsan isaga iyo C/kariim GUULEED

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali gaas oo saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo kadib kulan ay si wadajir ah u qaateen isaga iyo madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay marxaladaha Gaalkacyo soo martay.

C/welli Gaas, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in isaga iyo madaxweyne C/kariin Guuleed ka shaqeeyeen in badan sidii loo dhameyn lahaa xiisadahii dagaal ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayna ku faraxsan yihiin iney lug ku kala tagee waqooyiga iyo koofur Gaalkacyo.

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in qasaaraha dagaalka uu kordhi lahaa haddii labada madaxweyne ay sii hurin lahaayeen dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo, oo ay aagag dagaal kala gali lahaayeen, sida uu sheegay C/welli Gaas.

”Uma baahnin in cid dambe oo reer Gaalkacyo ah dhimato uma baahnin colaad waxaanan doonaynaa inaan kawada shaqayno nabada & Hurumarka Gobolka Mudug waxaana diyaar u ahay inaan wada shaqayno aniga & madaxwwayne Cabdikariin, waxayse xaalada xumaan laheyn haddii aan aniga iyo Guuleed aan godad kala gali laheyn, inta dhimatay ka badana yaa dhiman laheyd” Ayuu Yiri Madaxwaynaha Cabdiwali Gaas.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas, ayaa balanqaaday inuu si dhab ah kaga shaqeyn doono sidii markale dagaal uusan ugu soo laaban magaalada Gaalkacyo, wuxuuna u mahad celiyay madaxda maamulada Jubbaland, Koofur galbeed iyo dowlada SOomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com