Xasan oo iska fogeeyay arrin fool-xun oo lagu…

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo iminka safar shaqo ugu maqan dalka dibadiisa ayaa iska fogeeyay wararka sheegaya in garab Siyaasadeed uu u muujinaayo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Gulleed.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in isaga uu mas’uul ka yahay dalka oo idil si mas’uuliyadaasi lamid ahna uu sinaan iyo cadaalad ugu muujinaayo dhamaan maamulada ka dhisan dalka ee sharciyeysan.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inuu la socdo wararka ay mas’uuliyiinta Puntland hawada u soo marinayaan balse aysan jirin sabab uu ugu kala eexdo maamulada DFS hoostaga.

C/kariin Gulleed ayuu sheegay in micnuhu uusan aheyn haddii ay Siyaasada kuwada jiraan inuu u hiilinaayo, waxa uuna arrinkaasi sheegay inay tahay mid ka fog Siyaasada uu tiigsanaayo.

Xassan waxa uu sheegay inuu tixgalinaayo aragtiyada kala duwan ee la xiriirta in si gaar ah uu u taageeraayo Madaxweynaha Galmudug balse taasi waxa uu sheegay inuu iska fogeynaayo uusan xiriir gaar ahna kala dhexeyn Gulleed, markii laga soo tago howsha Qaranka oo ay wadaagan.

Maamulada dalka ayuu ugu baaqay inaysan iska hormarin amaba aysan iska dhaadhicin in Xassan Sheekh uu la safan yahay amaba uu iyaga uga hiilinaayo.

Haddalkaani ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu sheegay in DFS gaar ahaan Madaxweyne Xassan Sheekh uu garab boodaayo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com