28.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Daawo: Gobolka Shabeellaha Hoose oo la rabo in laga jaro Koonfur Galbeed + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayay dhibaatada ka taagan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay kusoo bateen dilalka iyo dagaal beeleedyada ayaa soo jeediyay in gobolkan laga soo jaro Maamulka Koonfur Galbeed oo uu u jeediyay inuu dayacay dadka deggan.

Cali Gaab oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa sheegay inay dhiban yihiin shacabka Shabeellaha Hoose, isla markaana dhibaato joogto ah lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in maamul lamid ah midka Waqooyi Bari loo dhiso gobolka, ama lagu soo daro gobolka Banaadir, sida uu ku sheegay wareysi uu bixiyay.

“System-ka waxaa ku weynaatay saddexda gobol ama ku badnaatay sidaas darteed gobolka Shabeellaha Hoose gobol khayraad badan waayay, waxaana deggan dadyow kala duwan, heshiis-beyna ku yihiin. Waxaan ku baaqayaa sida Waqooyi Bari loogu sameeyay maamul gobolkan laga jaro Koonfur Galbeed, kadib maamul loo dhiso” ayu yiri Cali Gaab.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaa kale oo ku talinaa in lasoo raaciyo gobolka Banaadir, ama loo dhiso maamul madax bannaan, waayo markii horeba dheeri ayuu ku ahaa labada gobol”.

Xildhibaan Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in gobolka Shabeellaha Hoose uu isku filan yahay, isla markaana uu leeyahay khayraad badan, sidaas darteedna uu usoo jeedinayo Dawladda Federaalka inay il gaar ah ku eegto gobolkaasi.

“Waa gobol 29 xildhibaan leh xaq wuxuu u leeyahay inuu go’o ummaddana kala nasataa, waxaana dowladda ugu baaqayaa inay gobolka ka madax banaaneyso aragtidaasna la keeno wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

“Waxaan sidaas u leeyahay maxaa dhibaatada ku koobay gobolkan oo ah gobolka khayraad leh, haddana habeen iyo maalin ay dhibaatada ugu dhaceysaa?”.

Hadalkan ayaa daba socda colaadda ka taagan Shabeellaha Hoose oo ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, waxaana ugu dambeysay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday duleedka degmada Wanlaweyn oo aano qabiil darteed loogu laayay shacab aan waxba galabsan.

- Advertisement -

Read more

Local News