24.3 C
Mogadishu
Thursday, January 22, 2026

War ka cusub dibad-baxa ay iclaamiyeen mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho xalay ka dhacay kulan saacado badan qaatay oo dhex-maray xildhibaanno ku howlan dhex-dhexaadinta dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo wada-hadallo la yeeshay xubnaha Madasha Samatabixinta.

Xildhibaannadan oo ergo ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn Madasha la wadaagay in madaxweynaha uu ogolaaday dibadbaxa nabadeed, balse ay muhiim tahay in laga heshiiyo qaabka loo sugayo amniga, si looga hortago rabshado goobta ka dhaca.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeynaya hannaanka dibadbaxa iyo sugidda amniga dadka ka qayb-galaya, maadaama ay mucaaradka u qorsheeyeen inuu ka dhaco saddex goobood oo kala ah degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay.

Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa innoo sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay ku adkeysteen in dibadbaxa uu qabsoomo 9-ka bishaan October, laakiin dowladda ayaa dhinaceeda dooneysa in farsamo ahaan laga shaqeeyo xilliga ugu dhow ee uu qabsoomi karo, iyada oo muhiimadda ugu wayn la siinayo badqabka shacabka

Dibadbaxan oo looga soo horjeedo burburinta dhulka danta guud iyo barakicinta shacabka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto Sabtidii, balse dib ayaa loo dhigay, kadib markii ay dhex dhexaadin la sameeyay ay ogolaadeen madaxda dowladda iyo xubnaha mucaaradka.

Dadaallo ay hoggaaminayeen Imaamka, Ugaaska Mudullood iyo guddiga xildhibaannada beelaha Hawiye ayaa horseeday is-afgarad, iyadoo Madasha Samatabixinta ay aqbaleen soo jeedintii ka dhalatay dadaalladaas, taas oo lagu baajiyay bannaanbaxii dhici lahaa Sabtidii.

Waxaa sidoo kale la isku raacay, shir jaraa’id oo wadajir ahna lagu sheegay, in bannaanbaxu uu yahay mid dastuuri ah, islamarkaana uu qabsoomi doono muddo 9 maalmood gudahood, iyadoo wixii farsamo ah laga shaqayn doono ka hor.

Siddoo kale waxaa la isla gartay in dowladda iyo mucaaradka si wadajir ah uga shaqeeyaan bannaanbax nabdoon, lagana heshiiyo goobta iyo goorta uu dhici doono, si uu ugu qabsoomo nabad ay dowladdu amnigeeda sugeyso.

Si kastaba, ha’ahaatee is-afgaradka laga gaaray xiisaddii ka taagneyd bannaanbaxa ee Sabtidii dib loo dhigay ayaa biyo qabow ku shubay walaaca ay dadka Muqdisho ka qabeen in bannaanbaxu isu beddelo mid hubeysan oo qalalaase ka dhasha.

- Advertisement -

Read more

Local News