Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidanka howl-galka u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika ayaa goordhow ka degi doona garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ciidamadan oo u badan ilaalada madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho loogu qaaday laba diyaaradood, iyadoo ay goordhow ka degi doonaan garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ee caasimada maamulka Jubbaland.
Ciidankan ayaa qeyb ka ah sugida amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo maalmahan ku wajahan magaalada Kismaayo, si heshiis looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale lagu wadaa in maalinta berri ah uu dib ugu laabto magaalada Kismaayo, xilli uu haatan ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la filayaa in maalinta xigta uu isna halkaasi gaaro Madaxweyne Xasan Sheekh.
Labada Madaxweyne oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad siyaasadeed xooggan oo isku rogtay gacan ka hadal, ayaa waxaa haatan la qorsheynayaa in wada-hadallada ka furmaya Kismaayo lagu soo afjaro khilaafkan.
Sida ay sheegeen saraakiil ku sugan Kismaayo, hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ku dhow inuu aqbalo ku dhowaad dhammaan shuruudaha Muqdisho marka laga reebo tallaabo kasta oo lagu soo gaabinayo muddo xileedkiisa hadda.
Madoobe ayaa ku cadaadinaya Villa Somalia inay soo saarto qoraal rasmi ah oo lagu xaqiijinayo sharciyadda doorashadiisa, taasoo uu u arko mid lama huraan u ah horumarka.
Xafiiltanka u dhexeeya Axmed Madoobe iyo hoggaanka federaalka ayaa noqday mid ka mid ah khilaafaadka ugu xididaysan Soomaaliya. Colaaddan waxay salka ku haysaa bishii Nofeembar 2024, markaasoo Jubbaland ay mar saddexaad dib u dooratay Madoobe, doorashooyin ay Muqdisho ku tilmaantay kuwa aan sharci ahayn.
Dowladda federaalku waxay kaga jawaabtay iyadoo amar soo qabasho ah u jartay madaxweynaha Jubbaland, kuna eedeysay inuu wiiqayo nidaamka dastuuriga ah.
Aargudasho ahaan, Jubbaland waxay iyana soo saartay amar soo qabasho ah oo ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xiriirka u jareyso Muqdisho.
Tan iyo xilligaas, xiriirka labada dhinac wuxuu ahaa mid fadhiid ah, iyadoo maamul walba uu diidayo inuu aqoonsado awoodda kan kale. Dhexdhexaadin caalami ahina ma aysan keenin horumar la taaban karo, taasoo keentay in is-mari-waagu uu sii socdo illaa 2025.

