Daawo: Hailemariam oo siyaasad aan la fileyn ka muujiyey Somaliland

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Raysal wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn ayaa difaacay xidhiidhka iyo wada shaqaynta uu dalkiisu la leeyahay dawladda iyo dadka reer Somaliland, isagoo xusay inaan la qayb-qaybin karin labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya.

Raysal wasaare Hailemariam Desalegn , oo uu waraysi magaalada Jigjiga kula yeeshay weriye Cabdislaaan Hereri oo ka tirsan Universal TV, ayaa waraysiga oo aad u dheeraa waxaanu ka soo xiganay laba su’aalood oo Somaliland khuseeya, waxaanu isagoo ka jawaabay arrinta qaddiyadda Somaliland iyo xidhiidhka dawladiisu la leedahay Somaliland uu Mr. Hailemariam Desalegn  yidhi “Ugu horayn arrinta Somaliland iyo Somaliya waa mid u taala Soomaalida oo u khaasa, waxaana si weyn ii dhiirigeliyay markii madaxweynaha haya talada Somaliya uu  bilaabay wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, waxaanay ila tahay inay noqdaan qaar macno leh, si loo xaliyo dhibaatadaas sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah.

Laakiin ilaa inta ay taasi dhacayso waa inaanu la macamilnaa Somaliland, waayo waxaanu nahay daris aad isugu dhow, wax kasta o Somaliland ka dhacayaana way na saamaynayaan annaga Itoobiya ahaan

Ammaankayagu wuxuu aad ugu xidhanyahay Somaliland, markaas indhaha kama qarsan karno oo ma odhan karno shuqul kuma lihin waxyaabaha ka dhacaya Somaliland, inkastoo aanay ahayn dawlad la aqoonsanyahay oo aanu weli u aragno inay Somaliya ka mid yihiin, laakiin waa inaanu la macaalinaa dawladood, oo la xaalnaa, iyadoo ay Somaliya taasi ka war hayso, sababtoo ah wax walba oo aanu halkan ka samaynaa waa qaar aan cidna ka qarsoonayn oo cadaan ah, waa inaanu la yeelanaa xidhidh dhinaca ammaanka ah iyo ganacsiga oo soohdimaha isaga gudba, oo dadkayagu ay wada ganacsadaan, sababtuna waxa weeye lamaba qaybin karayo labadayada dadyoow, markaas Somaliland iyo Somailya labadaba wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa, oo waxa jira arrimo naga dhexeeya.

Waxa jirta dekedda Berbera ood ogtahay inaanu isticmaalaynay tobanaan sannadood iyo boqolaal sannadood, mana aha inaanu joojino inaanu isticmaalno dekedda Berbera, waa inaanu sii wadnaa inaanu isticmaalno, waxaanad meesha ku darsataa xataa haddii ay Somaliland kaba mid noqoto Somaliya, wax kasta oo kaabayaasha dhaqaale ah  oo Somaliland loo sameeyaa wuxuu noqonayaa wax Somaliya meel u yaala,  markaas waa in la taageeraa oo la xoojiyaa kabayaasha dhaqaalaha, markaas xataa haddii ay isla meel dhigaan arrimaha ka dhexeeya, waxyaabaha la sameeyay waxay noqonayaan wax annaga iyo Somalida kale aanu aanu isticmaali karayno. Sidaas daraadeed macaamilada naga dhaxaysa Somaliland sidii aad sheegtay waxay ku salaysanthaay qaab ku meelgaadh ah.

Raysalwasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, waxa uu weriye Cabdisalaan Hereri weydiiyay xalinta qaddiyadda madaxbaanida Somaliland, oo dunidu ku soo riixdo dawladaha gobalka, oo ay hadda dawladaha gobalkuna ku riixaan Somalida, waxaanu Mr. Hailemariam Desalegn, ku jawaabay “Waxaanu rumaysanahay oo aaminsanahay in arrinta aayo ka talintu tahay mid u taala dadka, waana sababtatas taanu ugu riixayno dadka Somalida, waana inay dawladaha Somalidu wada xaalaan oo ay dadka siiyaan xuquuqda ay u leeyihiin in dadka Somaliya iyo kuwa Somalilandba kuwa ay tahay inay go’aan ka gaadhaan mustaqabalkooda. Xataa beesha caalamku arrinta kuma soo riixi karaan wadamada gobalka ee kale, waayo maah arrin aanu awood u leedanahay inaanu ka tallo bixin karno oo go’aan ka gaadhno, go’aana uma gaadhi karno umadda Somalida, haddii aanu isku dayno inaanu sidaas yeelnana waxaanu samaynanaa khalad aad u weyn, sababtuna waxa weeye kama dambaynta annaga ayaa dusha u ridanayna masuuliyada ay tahay inaanaan qaadin, waana inay arrintaasi noqoto mid go’aan ay ka gaadhaan dadka Somalidu, haddii ay markaas dadka Somalidu doonayaan inay sii wada jiraana waa in loo ogolaadaa, haddii ay dadka Somalidu doonayaan inay wax kale yeelaana taasna waa tu’ ka duwan oo go’aankeeda ay iyagu leeyihiin. Markaas waxa la heleyaa xal waara.”

Isagoo Mr. Hailemariam Desalegn , hadalkiisa sii wata kana hadlaya aragtidiisa wuxuu yidhi “Haddii aad I weydiisay aragtidayda shakhsiga ah, waxaan rumaysnahay inaanay Somaliland gooni uga bixin Somaliya inteeda kale, laakiin dhammaantayo xataa annaga Itoobiya, Somaliya, Suudaan, Ereteriya iyo Djibouti isku  noqono wadan keliya oo midaysan, laakiin taasi imika suurtogal maaha oo laguma dhawaaqi karayo inay wadan keliya noqdaan, ee laakiin waxay ila tahay in lagu bilaabo is dhex gal dhinaca dhaqaalaha oo la mideeyo oo siyaabo faro badan isu dhex galno, dabadeedna marka dambe uu yimaado midow dhinca siyaasadda ahi.”

Wuxuu raysalwasaaraha Itoobiya hadalkiisa ku sii daray, “Waxaynu la taraymaynaa Hindiya oo tiradoodu imika tahay Hal bilyan iyo 300 oo milyan oo qof , oo iyagu Shiinihiiba imika dhaafay, waxaynu la taramaynaa Midowga Yurub oo isku dhan, inkastoo aanan Ingiriiska ku racsanayn go’aanka ay kaga baxeen Midowga Yurub oon u arko go’aan talaabo khaldan ah, waxaaynu la taramaynaa Brazil oo ah wadan awood weyn leh, markastoo awoodaadu sii weynaatana way kuu sahlanaanaynaa inaad tartan geli kartid ood ku tartami kartid suuqyada caalamka, markastood la sii qaybsamana waxa la sii ahaanaya qaar baahidu dishootay.”

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaaday, “Yaa ka macaashay markii ay ka go’een wadamadii ay ka midka ahayeen, bal waxaad eegtaa Ereteriya, South Sudan, maxay tahay natiijada ka dhalatay, macnuhu maaha inaad goosato ood ku macaashaysid, waase hadduu jiro isfaham macno leh oo u dhexeeya qolyaha isu tagaya, markaas mar kasta oo awoodaadu sii weynaato waxaad noqonsyaa mid tartan gali karaysa, waxa jira tartankaas caalamiga ah oo ay tahay inaynu indhaha u furno oo ay inoo muuqdaan waxyaabaha dunida ka dhacaya, oo haddii aad doonayso inaad isbedel samayso oo dadkaaga noloshadooda wax ka bedesho, markaas anigu waxaan noqonayaa nin u hadla in awooda la balaadhiyo oon la sii qayb qaybsamin laakiin anigu ma ihi cidda taasi go’aankeeda iska leh, waana mid dadka u taala.”

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Oo Dhamaystiran

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com