Daawo: Halista ay Ethiopia u maleegeyso qaranka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iyo daafaha Caalamka ka socda ololo looga hortagaayo Gumeysiga muuqda ay Dowlada Ethiopia ku dooneyso inay ku xakameyso Siyaasada Somalia.

Ololaha ayaa waxaa qeyb ka ah Weriyayaal rug cadaa ah oo ka dhiidhinaaya Gumeysiga ay Dowlada Ethiopia ku heysa Somalia ee aan aheyn mid u muuqda Siyaasiyiinta Soomaalida.

Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi oo kamid ah Weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa iftiimiyay dhibaatada ay Dowlada Ethiopia ku heyso Somalia iyo qorshooyinka ay iminka la damacsan tahay.

Waxa uu tusaale usoo qaatay sida ay Dowlada Ethiopia u dhaqan galineyso Gumeysiga iyadoo u mareysa dhanka maamul Goboleedyada dalka oo ku hanweyn inay la dhaqmaan Dowlada Ethiopia oo gumaad ba’an ku heysa Somalia.

Dhibaatooyinka ay Ethiopia ku heyso Somalia ayuu tusaale usoo qaatay sida Soomaalida loola dhaqmo marka ay tagaan xarumaha Ethiopia ay ku leedahay Somalia sida Garoowe iyo Hargeysa, waxa uuna tilmaamay in shacabka lagu dhex gumeysto dalkooda.

Wuxuu sheegay in daldaloolada ay Dowladaha shisheeye ka eegtaan Somalia ay tahay ”turubka qabiilka” maadaama Soomaalidu ay tahay mid ku dhaqanta qabyaallada.

Waxa uu sheegay in gaadiidka u kala goosha Gobolada dalka ay maamul Goboleedyadu xojo uga dhigaan inuu wato taarikada Gobolkaasi, halka gaadiidka Ethiopia aan arrimahaasi wax laga weydiin.

Ethiopia oo ka faa’iideysaneysa burburkii gaaray Qaranka Somalia waxay degsatay qorsho seddex ah oo ay ugu tallo gashay inaan la helin Qaran Soomaaliyeed waxaana kamid ah:

Inuu daba dheereedo Dagaalka sokeeye ee Somalia markii ay duntay Dowladii dhexe ee Somalia iyadoo ay arrintaasi ay u fududeeyeen qabqablayaal dagaal oo gacan weyn ku lahaa in Ethiopia ay dhibaato u geysato shacbiga Soomaaliyeed.

Qorshaha Ethiopia ayaa hadda ah in la helo maamul Goboleedyo qabali ah, halkii ay horay ka adeegsan jirtay qabqablayaal Soomaali ah.

Waxa ay Ethiopia ku dadaaleysaa inaan la helin Qaran Soomaaliyeed oo hanankara masiirka Umadda Soomaaliyeed si ay u gaarto danaheeda mustaqbalka fog.

Dadka ku hoos nool Maamul Goboleedyada ayaa aaminsan in amaankooda ay ilaaliso Dowlada Ethiopia.