Daawo: Sacuudiga oo qaatay mowqif Somalia loogu biirinayo Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada ayaa mowqif ka istaagtay in Somalia ay noqoto Dowlad madaxbanaan waxa ayna Dowladu soo jeedisay in dalka Somalia lagu biiriyo Ethiopia.

General-ka ugu sarreeya Sirdoonka Wadanka Sucuudiga General Anwar Eshki ayaa Shir ay yeesheen Golaha xiriirka dibada iyo Siyaasada ka yiri sidan ”Inta Af Soomaaliga ku hadasha oo dhan waa in dalka Ethiopia la hoos geeyo”

General-kaani ayaa shirka oo ka dhacaayay dalka Isra’el looguna magacdaray (Council Foreign Relations), ka sheegay inay muhiim tahay in dhammaan Soomaalida ku nool Geeska Africa lagu biiriyo Ethiopia xitaa Dowlada Jabuuti oo quwad leh.

General Anwar Eshki, waxa uu sheegay in markii leysku daro Dowladahaasi loogu magacdari doono ”Geeska Africa”.

General Anwar Eshki, waxa uu sheegay in isku biirida kadib dhammaan kheyraadka dalalkaasi laga maamuli doono dalka Ethiopia.

Waxa uu Generaalkani sheegay inaanu arrintaani mideynta ah hirgali doonin haddii aan Somalia iyo Djibouti la hoosgeyn Dowlada Ethiopia.

Qodobo dhowr ah oo uu shirka ka sheegay mideynta dalalkaani kadib loo gudagali doono ayaa waxaa kamid ah:

1-Xoojinta Saaxiibtinimada Isra’il iyo Carabta iyo Heshiis qoto dheer oo dhexmaro dalalka Carabta iyo Isra’il.

2-Waa in la bedelaa Siyaasada Iran

3-In wadamada Gacanka ay ka midoobaan dhinaca Siyaasada si loo dardar galiyo mideynta Somalia, Jabouti iyo Ethiopia.

4-Waa in la nabadeeyo dalka Yemen dibna loo sameeyo Dekada xorta ah.

5-In la dhiso ciidamo carbeed oo mideysan si ay uga barakeystaan Dowladaha Mareykanka iyo Isra’il si loo ilaaliyo gacanka carabta.

6-Waa in si dhaqsi ah loo faafiyo dimuquraadiyada Islaamka.
Warbixin taa ka duwan ayaa sheegeysa in dalka Somalia ay kala qeybsan doonaan Dowlada Ethiopia iyo Kenya oo iminka ujeedka ay ciidamada u keeneen Somalia ay tahay mid ka fog xaqiiqda, balse ay tahay mid labada dal ay ugu diyaar garoobayaan in Soomaalida madaxa laga qabsado.