Daawo: Hilibka Geela oo laga waayey Muqdisho, kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqyada lagu iibiyo Hilibka Geela ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta haawanaya, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Ganacsatada Hilibka iyo Dalaaleyda xoolaha.

Khilaafkan ayaa salka ku haya lacago ay Dalaaleyda ku kordhiyeen Geela la keeno Muqdisho, taas oo keentay inay kawaanada xirmaan.

Hilib la’aanta ayaa maanta si weyn looga dareemay caasimada, waxaana Hilib Geel yar oo laga keenay gobollada dariska la ah Muqdisho lagu iibinayaa goobo fara ku tiris ah, halka kaawanadii waa weynaa ee lagu qali jiray Geela ay dhammaan maanta haawanayaan.

Maxamed Xuseen oo ka mid ah ganacsatada Hilibka Geella oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Neefkii Geela lagu kordhiyey lacago dheeraad ah, ayna saameyn ku yeelatay.

“Neefka Geela qiimo dheeraad ah ayey ku kordhiyeen 10-kaan sano qaali ayuu iska ahaa maalinba waxbay ku daraayeen hadda lacag u gooni ah ayey keeneen,” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Nimanka Geeleyda iyo Ganacsatada maba is aragno annaga, iyagaa noo dhexeeyo marka dhibaatada iyo sicir bararka ka jira gobolka Banaadir Dalaaleyda ayaa u sabab ah,”.

Ganacsade Maxamed Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ka dalbaday inuu arrintan soo fara-geliyo.

“Waxaan ka codsaneynaa maamulka gobolka Banaadir inuu arrintaan soo fara-geliyo,” ayuu markale yiri ganacsadaha.

Dhinaca kale arrintan ayaa sameyn weyn ku yeelatay shacabka Muqdisho, maadaama si maalinla ah Hilibka Geela looga isticmaalo caasimadda oo dhan.

“Hilib ma haayo Ilmihiina Yaanyo ima cunayaan,” ayey tiri Hooyo Soomaaliyeed oo la hadashay Wariyeyaasha magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-