Daawo: Itoobiya oo ciidamo soo gelisay SOOMAALIYA kadib safarkii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo horleh oo ka socdo dalka Itoobiya ay gudaha u galeen gobolkaasi, kadib markii ay ka soo talaabeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca dowlad deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in ciidamadaan oo gaaraya dhowr boqol oo askari ay gaareen deegaano hoostaga degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aad u culus.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo xaqiijiyey in ciidamada ka socda Itoobiya ay aad u qalabeysan yihiin, isla-markaana ay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay gobolka Gedo ayaa la sheegay in aysan qayb ka aheyn kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Saraakiil amniga ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in ciidamadan ay ka qayb-geli doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan sida xoogan uga socdo dalka.

Arrintan ayaa waxaa daba socoto dhaq-dhaqaaq ay maalmihii u dmabeeyey saraakiil ka socota dowladda Itoobiya ka wadeen gobolka Gedo, kuwaas oo saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo lala lahaa kulamo la xiriira amniga.

Dhaq-dhaqaaqa ay haatan gudaha Soomaaliya ka bilaabeen ciidamada Itoobiya ayaa kusoo aadayo, kadib safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee Addis Ababa, kaas oo wadahadallo la yeeshay ra’iisul wasaare Abiy oo uu hordhigay ka qayb qaadashada dagaalka Al-Shabaab.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab gudaha u gashay dhulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro maalmo badan qaatay, isla-markaana dhaliyey khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.