DF oo shaacisay doorka diyaaradaha Turkiga ay ka qaataan dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay doorka ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, oo ay soo saarto Turkiga, ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Diyaaradaha hubeysan ee Bayraktar TB2 ee ay soo saarto shirkadda Baykar, oo uu leeyahay wiilka qaba gabadha madaxweyne Erdogan, ayaa ka qeybgalay dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab looga xoreenayo waana markii ugu horeysay oo ay tallaabadaan qaadaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay bixinayaan sahan dhanka cirka ah iyo sahan milateri.

“Dowladda Mareykanka ayaa hogaamineysa, waxaana runtii aad uga mahadcelineynaa in ay hawada ka taageerayaan oo ay fuliyaan weerarada cirka ah ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah, sidoo kale wuxuu bixiyaa taageero sirdoon ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in hawl wadeenada Turkiga ee Drones-ka ay si dhow ula shaqeeyaan taliyayaasha Soomaalida, kuwaas oo siinaya isku-dubarid bartilmaameed ah, si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

10-kii sano ee lasoo dhaafay Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir wanaagsan, waxayna Turkiga Soomaaliya ka sameysatay saldhig Militari taasoo sare u qaatay iskaashiga dhanka ciidanka.

Marka loo eego falanqeeyayaasha, tallaabadan cusub ee Ankara ayaa loo arkaa mid wax weyn ka tari doonta dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.