Daawo: Laba BEEL oo muddo 40 sano dagaashanaa oo lagu heshiisiiyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ahna ku-simaha Madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa ka qeygalay kulan lagu heshiisiinayey beelaha daga Ceelwaaq iyo Cadaado oo muddo 40 sano ah uu ka dhaxeeyey dagaal qabiileed.

Ciid oo hadal ka jeediyey xarunta uu ka dhacayey heshiiska ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in lasoo afjaro wajiga koowaad ee colaadaan u dhaxeysay labadaan beel ee walaaha ah, wuxuuna arrintaas uga mahadceliyey wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo uu sheegay inay waqti badan gelisay howshaan.

“Waa yaabeysaan haddii aan idin dhaho colaadaan markii ay billaabaneysay waxaan jiray 3 sano, inay illaa maanta socoto waa ayaandarro, dadkii intaan colaadaan fiirsanayey waxay ahaayeen dad aan na matalin xaqiiqdii, maanta dadkeedii ayey heshay waa loo kacay” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Wuxuu hadalkisia kusii daray “Dagaalka labada beel u dhaxeeyey waxaa ku baxay dad badan oo qiimo lahaa, balse waa nasiib wanaag inaan hadda ku guuleysanay inaan joojino oo uusan wiil dambe naga dhiman.”

Ciid ayaa sheegay in labadaan beel aysan iyaga dooran inay daris noqdaan balse ay tahay arrin uu Allah qadaray, islamarkaana aysan jirin meel ay ku kala tagaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa odayaasha kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan fulinta heshiiskaan oo uu sheegay in waqti badan lasoo galiyey.

“Dhammaan intii saxiixday iyo intii kor joogtada ka aheyd waxaa kula dardaarmayaa inay fuliyaan waxyaabihii lagu heshiiyey isla markaasna uusan wax dambe kasoo noqon, anagana haddii uu Allah yiraahdo waa idinku garab siineynaa fulinta heshiiskaan haddii ay ahaan laheyd dhanka farsamada iyo amniga,” ayuu hadalkiis kusoo gunaanaday.

Beelahaan oo wada daga gobollada dhexe ayaa muddo badan is dagaalayey, wuxuuna dagoolkooda inta badan  ka dhalanayey muran dhanka deegaanka iyo daaqsinta ah.