Sweden oo u hoggaansantay shuruuddii uu hordhigay madaxweyne ERDOGAN

Stockholm (Caasimada Online) – Wakaaladda dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha militagriga dibadda ee (ISP) ayaa sheegtay inay laashay xayiraaddii saarnayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turkiga, kadib markii dalka Waqooyiga Yurub uu go’aansaday inuu ka mid noqdo xulafada milateri ee NATO, islamarkaana heshiis laga gaaro diidmadii Turkiga.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa horraantii sanadkan dalbaday xubinimada NATO kadib markii Ruushka uu ku duulay dalka Ukraine, balse waxa ay la kulmeen xaalad adag, maadaama codsigoodu uu u baahnaa inay ansixiyaan 30 ka dal ee xubnaha ka ururka, iyadoo Turkiga uu arrintaas kasoo horjeestay.

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay inuu hor-istaagi doono dalabkooda ku aaddan ku biirista NATO.

Erdogan ayaa ku eedeeyey Sweden inay inay taageerto kooxda YPG ee waqooyiga Suuriya, taasoo uu u arko inay tahay garab ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo sidoo kale Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u arkaan koox argagixiso.

Sweden iyo Finland ayaa mamnuucay in hubka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019 kadib markii dagaal ka dhan Kurdiyiintaa Suuriya ee YPG ay gudaha u galeen Suuriya.

Erdogan iyo Turkey ayaa Sweden iyo Finland hor-dhigay shuruudo ay ka mid yihiin inay qaadaan xayiraadda hubka, una soo gacan geliyaan xubnaha lala xiriirinayo kooxaha argagixisada ee Kurdish-ka iyo isku daygii afgambi ee 2016.

Saddexda dal ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray shirkii NATO ee bishii June ka dhacay magaalada Madrid, halkaasoo Sweden iyo Finland ay ku heshiiyeen dhowr tallaabo oo la qaadayo si wax looga qabto walaaca Turkiga ee musharaxiinta.

ISP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay billowday bixinta oggolaanshaha dhoofinta inta lagu guda jiro rubuci saddexaad laakiin ma aysan shaacin shirkadaha ama badeecadaha la siiyay fasaxa.