Daawo: Jeneraal Farxaan Qaroole oo loogu magac daray xarun ku taalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Onlne) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo saxaafadda kula hadlay halka lagu duugayey Allaha u naxariistee taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa sheegay in maanta wixii dambeeyo loogu magaca daray xerada Haramcad.

“Waxaan maanta inta isugu nimid inaan sagootino shahiid, saaxiibkey shaqsiga iigu dhow ayuu ahaa, geesi ayuu ahaa, wuxuu ahaa shumac soo baxaayey oo dhallinyarada u ahaa Fiyoore soo socda, wuxuu model u ahaa laba milyan oo oo dhallinyaro ah oo Xamar joogta,” ayuu yiri General Xijaar.

Taliyaha ayaa hadalkiisa kusii daray “Waxaa rabaa inaan la hadlo ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaa rabaa qof kasta oo booliska Soomaaliyeed ah darajo kasta iyo fadhi kasta oo uu ka tirsan yahay inuu noqdo Farxaan oo kale.”

General Xijaar ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyo uu ku dhawaaqay in magaca xirada Haramcad ee magaalada Muqdisho loo bixiyey Xarunta Haramcad ee General Farxaan.

“Waxaan ugu magac daray xeradan aan maanta joogno oo ah xarunta ciidanka Haramcad, laga billaabo maanta waxaa loo bixinayaa ama loo bixiyey ama aan ku dhawaaqayaa Xarunta Haramcad ee General Farxaan, magacaas ayaad qaadan doontaan si uu magaciisa u noolaado,” ayuu yiri Xijaar.

Xijaar ayaa sheegay in laba maalmood ka hor ay ugu dambeysay aragtida Farxaan Qaroole wuxuuna yiri isagoo ay murugo ka muuqato “Doraad ayaa iigu dambeysay oo halkaan isku aragnay, wuxuu u tusay kaarto uu u sameeyey ciidanka dhintay, Allaha u naxariisto, ciidankiisa ayaa jeclaa, sarkaalka fiicana waxaa lagu gartaa sida uu u maamulay ciidankiisa.”

Allaha u naxariistee Farxaan Qaroole, oo shalay ku dhintay qarax miino dhulka loogu aasay oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, kana dhacay meel u dhow deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.